Harare(Aftahannews):- Dalka Zimbabwe, waxaa maanta ka dhacay Bannaan-baxyo lagaga soo horjeedo kor u kac ku yimi qiimaha Shidaalka lagu iibiyo oo sicir-barar ku keenay qaybaha kale ee nolosha oo Bulshada dalkaasi dhibsatay.
Waxaa hakad galay isu socodka gaadiidka labada magaalo ee ugu weyn dalkaas, Dibadbaxayaasha cadhaysan, ayaa xidhay waddooyinka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AfP. Waxaana xiran waddooyinka gala magaalada caasimadda ah ee Harare iyo Bulawayo.
Magaalada Bulawayo, dadka dibadbaxa dhigayay, ayaa weeraray qaar ka mid ah Gawaadhida dadweynaha oo ku wajahnaa caasimadda Harare, taayaro ayay ku gubeen waddooyinka, waxaanay ku xidhayeen dhagaxan waawayn iyo qoryo.
Madaxweynaha Zimbabwe Emmerso Mnangagwa, ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday in qiimaha shidaalka labanlaab sare loo qaadayo. Waxay ka codasnayeen Madaxweynaha in hoos u dhigo qiimaha Shidaalka ee dalkaas.
Xigasho BBCSomali.com
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.