Bannaanbaxyo ka dhan ah kor u kaca Qiimaha Shidaalka oo Gilgilay Dalka Zimbabwe

DIBADBAX KA DHAN AH QIIMAHA QAALIGA QIIMAHA SHIDAALKA OO KA DHACAY ZIMBABWE 2019.jpg
DIBADBAX KA DHAN AH QIIMAHA QAALIGA QIIMAHA SHIDAALKA OO KA DHACAY ZIMBABWE 2019.jpg

Harare(Aftahannews):- Dalka Zimbabwe, waxaa maanta ka dhacay Bannaan-baxyo lagaga soo horjeedo kor u kac ku yimi qiimaha Shidaalka lagu iibiyo oo sicir-barar ku keenay qaybaha kale ee nolosha oo Bulshada dalkaasi dhibsatay.

DIBADBAX KA DHAN AH QIIMAHA QAALIGA QIIMAHA SHIDAALKA OO KA DHACAY ZIMBABWE 2019.jpg
DIBADBAX KA DHAN AH QIIMAHA QAALIGA QIIMAHA SHIDAALKA OO KA DHACAY ZIMBABWE 2019.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa hakad galay isu socodka gaadiidka labada magaalo ee ugu weyn dalkaas, Dibadbaxayaasha cadhaysan, ayaa xidhay waddooyinka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AfP. Waxaana xiran waddooyinka gala magaalada caasimadda ah ee Harare iyo Bulawayo.

BANNAANBAXYADA ZIMBABWE
BANNAANBAXYADA ZIMBABWE

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Magaalada Bulawayo, dadka dibadbaxa dhigayay, ayaa weeraray qaar ka mid ah Gawaadhida dadweynaha oo ku wajahnaa caasimadda Harare, taayaro ayay ku gubeen waddooyinka, waxaanay ku xidhayeen dhagaxan waawayn iyo qoryo.

waddooyinka ZIMBABWE OO DIBADBAXAYAASHU XIDHEEN
waddooyinka ZIMBABWE OO DIBADBAXAYAASHU XIDHEEN

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Zimbabwe Emmerso Mnangagwa, ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday in qiimaha shidaalka labanlaab sare loo qaadayo. Waxay ka codasnayeen Madaxweynaha in hoos u dhigo qiimaha Shidaalka ee dalkaas.

Xigasho BBCSomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.