Madaxweynaha cusub ee Puntland oo Xilka la wareegay, Waxa Horyaalla iyo Madaxweynihii hore oo Cafis dalbaday

MADAXWEYNE DANI OO XILKA KALA WAREEGAY MADAXWEYNIHII HORE CABDIWELI GAAS OO XILKA LA KALA WAREEGAY 2019
MADAXWEYNE DANI OO XILKA KALA WAREEGAY MADAXWEYNIHII HORE CABDIWELI GAAS OO XILKA LA KALA WAREEGAY 2019

Garoowe(Aftahannews):- Madaxweynaha la doortay ee Puntland Siciid Cabdillaahi Dani, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyagoo xilka ku kala tirsaday munaasibad si wacan loo bilay oo astaanta maamulka iyo midka qarankuba ka muuqdeen.

 

MADAXWEYNE DANI OO XILKA KALA WAREEGAY MADAXWEYNIHII HORE CABDIWELI GAAS OO XILKA LA KALA WAREEGAY 2019
MADAXWEYNE DANI OO XILKA KALA WAREEGAY MADAXWEYNIHII HORE CABDIWELI GAAS OO XILKA LA KALA WAREEGAY 

Waxaa munaasibaddaas salaam-sharafta ciidammada ka dib, ka hadlay Madaxweynihii hore Cabdiweli Gaas, ayaa cafis weydiistay dadweynaha reer Puntland iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday inay saamaxaan ama cafiyaan cid kasta oo wax ka tirsanaysa ama dhib ka gaadhay shantii sano ee uu maamulka Puntland hoggaaminayey, waxaanu ka warbixiyey wixii mashaariic maamulkiisu qabtay oo dhismayaal xarumaha dawladda ah u badnaa iyo mashaariicda qabyada aha ama dhadhaw ee maamulkiisu waday.

Cabdiweli Gaas oo arrimahaas iyo aragtidiisa xil-wareejinta ka hadlayey waxa uu yidhi; “Waxaa farxad wayn ii ah iyo maamuus inan si rasmi ah xilka ugu wareejiyo, Madaxweynaha la doortay ee Siciid Deni. Waxaan dhammaan hay’adaha dowladda iyo saraakiisha ciidammada si xushmad leh uga codsannaya in ay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub.”

“Waan kalo ka codsanaya dadweynaha Puntland in madaxweynaha la siiyo waqti ,la-garab galo loona duceeyo .. Waxaan u caddaynaya madaxweynaha inan diyaar u ahay wixii tallo iyo tabar ah ee uu iga baahdo , waxaan u rajeynaya shacab weynaha Puntland horumar,baraare iyo nabad waarta.” Sidaa ayuu yidhi Md. Gaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha la doortay ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo halkaas ka hadlay, ayaa ka mahadceliyay sida xilka loogu wareejiyey, waxa uu xaqiijiyay in Maamulkiisu uu ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa bulshada Puntland, horayna loogu socod-siin lahaa mashaariicda horumarineed.

 “Madaxweynaha waxaan kala wareegay si rasmi ah dhammaan document iyo qoraaladii ay dowladda ku shaqeynaysay, kuwa la ogaa iyo kuwa qarsoon intaba , xog maanta Puntland ay leedahay oo annaga naga qarsoon ma jirto, si rasmi ah ayuu noogu wareejiyay … Anagana waxaan rajeynaynaa wixii sir dowladeed ah inan xafidno , wixii mashaariic ah horay u sii wadno, wixii aan u aragnay in aan wax ka bedelno si ay u qurux badnaato maamulka Puntland aan ku soo siyaadino.” ayuu yidhi Madaxweynaha cusub Siciid Deni.

Waxa uu ka dalbaday shacabka Puntland inay midnimada iyo wadajirka ka shaqeeyaan oo dowladda la garab istaago, isagoo dhanka kale ballanqaaday in maamuuska ay mudanyihiin ay mar walba ka heli doonan madaxdii hore.

“Xilalku in lakala wareejiyay un weeye ee lama kala guurin, markaan dib u fiirino oo waxa ka qaldan wax ka beddelno dhinaca maaliyadda ,mushaaraadka ciidanka iyo shaqaalaha dowladda waa waxa ugu horreeya ee khasnadda dowladda ka bixi doona.” ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani.

Madaxweyne Dani oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi; “Waxa kale oo aan halkan ka caddeynayaa haddii Illaahay ka dhigo, cid kasta oo ku xadgudubta qaanuunka iyo shuruucda u taalla dalka haddey noqoto mid maaliyadeed iyo mid maamulba tallaabo deg-deg ah ayaan ka qaadi doonnaa.”

“Cid aan uga haybaysan doonnaa ilaalinta sharciga ma jiri doono, qof walawba u diyaar garow  waxa uu sharcigu qabo, qofka waxa uu sharciga qabo ayaan ku wada dhaqmi doonaa.. waadna arki doontan wax kasta oo qalooc ku ah  ama dulqaadkii uu madaxweynaha soo sameeyay, runtii markan sheekaysanay dulqadkiisii wuxuu isku beddelay eedeyn, ma rabo taas oo kale inay igu dhacdo, waxaan rabaa wixii sharciga uu qabo inan ku camal falno, qof walbana waxa uu mudanyahay uu helo.”

Madaxweyne Deni oo la doortay siddeedii bishan koowaad ee aynu ku jirno 2019-ka, ayaa laga war-sugayaa Xukuumadda uu soo magacaabi doono iyo sida uu u wajihi doono hawlo badan oo u yaalla oo ay ka mid yihiin kobcinta dhaqaalaha, habaynta shaqaalaha iyo ciidammada, la-dagaallanka argixisada Al-shabaab iyo Daacish kooxda taageerta.

Waxa kale oo waxa laga sugayo Madaxweynaha ka mid ah, soo celinta xidhiidhka iyo wada-shaqaynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo Puntland iyo Maamul-goboleedyada kale qaarkood hore u joojiyeen wada-shaqaynta ay la leeyihiin federaalka iyo sidoo kale qaabka uu u wajaho khilaafka ama muranka dhulka ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland oo marar badan ku dagaallamay bariga gobolka Sool, kuwaas iyo qodobbo kale oo badan ayaa horyaalla Madaxweynaha maanta xilka la wareegay ee Puntland iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.