Qareenno ka hadlay Abwaanno ku xidhan Hargeysa, Sharciyadda lagu xidhay iyo Tacaddiga Booliska

QAREENNO KA HADLAY XADHIGGA ABWAAN ABEES IYO TACADDIGA BOOLISKU GEYSTAY 2019
QAREENNO KA HADLAY XADHIGGA ABWAAN ABEES IYO TACADDIGA BOOLISKU GEYSTAY 2019

Hargeysa(Aftahannews):- Qareennada Somaliland Garyaqaanno ka tirsan, ayaa ka hadlay xadhigga Abwaan Cabdiraxmaan Abees Booliska Somaliland kula kacay oo ay ku tilmaameen mid sharciga baal-marsan, isla markaana tacaddiyo iyo cabbudhin ah. Waxay caddeeyeen Qareennadu in booqashada, dawada iyo qareennada difaacayaa inay la kulmaanba loo diiday Abwaanka.

QAREENNO KA HADLAY XADHIGGA ABWAAN ABEES IYO TACADDIGA BOOLISKU GEYSTAY 2019
QAREENNO KA HADLAY XADHIGGA ABWAAN ABEES IYO TACADDIGA BOOLISKU GEYSTAY 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxay Qareennada oo ay xubno ka yihiin Maxamuud Cabdiraxmaan iyo Guuleed Axmed Jaamac (Daafac) iyo Garyaqaanno kale, cambaareeyeen xadhigga Abwaan Abees iyo Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo isna Hargeysa ku xidhan muddo laba toddobaad ku dhaw.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees, ayaa ku xidhan xarunta ciidanka dembi-baadhista ee C.I.D-da ee magaalada Hargeysa, ayaa la xidhay Sabtidii dorraad, ka dib markii uu habeennimadii jimcaha soo bandhigay Suugaan uu ku jiro Gabay uu ka tiriyey tacaddiyada ka dhaca saldhigyada booliska Somaliland.

Haddaba, Qareennada ka hadlay kiiskiisa oo uu ku jiro qareenka u doodaya Abwaanka, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hargeysa faahfaahin kaga bixiyey qodobbada sharci ee boolisku ku tuntay, sida ay cabbudhinta Hal-abuurku uga soo horjeeddo sharciga, talooyin sharci iyo qodobbo kale oo ay soo jeediyeen-ba waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.