“Kuwa Xafiisyada ka furtay Garoowe iyo kuwa diiddan doorashooyinka waa isku mawqif..” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(Aftahannews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa ugu baaqay golaha Guurtida Somaliland in muddo xileedka ay u samaynayaan goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka ay ku saleeyaan heshiiskii ay maalintii shalay ahayd wada gaadheen Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid.

Faysal Cali Waraabe ayaa waxa kale oo uu soo bandhigay shaqsiyaad aanu magacooda sheegan ay xafiisyo ka furteen magaaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland iyo kuwo ka soo horjeeda Somaliland ay doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka ay isku mowqif ka yihiin.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.