“Madaxweyne xaqsoor iyo cadaalad baa lagaaga baahan Yahay”.Xildhibaan Cabdi Haybe

Hargeysa (Aftahannews)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay xalaada Siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo khilaafka Xisbiyada.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay khilaafka Xisbiyada yidhi “Xisbiga Kulmiye  diyaar uma aha in Komishanka la bedelo, sababtoo ah haddii la bedelo, wuxuu Kulmiye is leeyahay helistii aad hesheen ayaa calaamad su’aal gali doonta, halkay ka baqayaana waa halkaas, Komishanka  haddii ay dadka u xaqsoori waayeen, oo cid gaar ah u shaqeeynayaan, ciddi aamini mayso,  waana inay damiir yeeshaan, oo ay is casliaan, inta aanu Madaxweynuhu kala dirin, ta kale tiradan todobada xubnood ee meesha joogta, waa in laba xubnood lagu daraa oo ay sagaal noqdaan, oo Saddexda Xisbi min Saddex xubnood keenaan,laakiin maaha in Xisbina uu shan qaato, Xisbina uu hal qaato,sidaas oo ay tahay Komishankan in la sii eegto maaha inay meesha sii joogana maaha ee waa inuu Madaxeynuhu kala diraa”.

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Golayasha Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanka  ayaa yidhi “Madaxweynuhu waa inuu kala diraa Guurtida iyo Barlamaankaba, Guurtiduna ilaa iyo dhawr iyo labaatan sanno ayey soo taagan yihiin, Odayaashii wakhtigaas la soo xulayna wey wada dhinteen oo wax yar baa ka sii nool, dhaxal baanay Guurtidu isku bedeshay, ee Madaxweynuhu waa inuu kala diraa Guurtida uu Saleebaan Guddoomiyaha u yahay, Barlamaanka oo iyana muddo 15 sanno ah joogay, iyo Golayaasha Deegaankaba”.

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu Madaxweynaha u diraayey talooyin ku waajahan sugida xadka ayaa yidhi “Madaxweynuhu markii uu maraayey Gobolada Bariga, Laascanood buu ka soo kala jiireeyey, ee waxay ahayd inuu tago Sanaag Barri, oo uu tago caro Warsangali, xadkuna maaha Tukaraq, ee waa inuu Ciidanku gaadha xadka Somaliland, halkaana Talyaani ayaa haystay, inagana Ingiriis, xad caalamiya ayaana jiray, ee sagaal kilo-mitirr baynu u jirnaa xadkeena ee waa in la gaadha oo Ciidankeena la xoogeeya, waana in Ciidanka Qaranka la kordhiyaa, mana ah in jafa-jiriq lagu jiruun, ee haddii aad Ictiraaf doonayso waa in dalkaagii aad gacmaha ku wada haystaa, kan imika loo doortay Puntland ee Madaxweynaha looga dhigay, oo iska hadlay, ee anigu waxaan odhan lahaa marka xadkeena la sugo, ayaa wada hadal iman karaa, ee Ciidanka xadkiisi ha la geeyo, oo xadka ha la sugo”.

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu Madaxweynaha U diraayey baaq ku saabsan wax ka qabashada tabashooyinka jira ayaa yidhi “Madaxweynuhu waa inuu wax ka qabtaa waxaa la tabanayo, Madaxweynuhu waa inuu wax ka qabataa waxay Beeluhu tabanayaan, maaha in Dawladnimada laba reer isku cuna duubaan, Madaxweynuhu waa inuu xaliya wixii tabasho ah ee Barriga jira”

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka  hadlaayey Mashaariicaha horumarinta iyo Gobolka Hawd ayaa yidhi “Gobolkii laga xoraayey Somaliland ee Gobolka Hawd, wax alaale iyo wixii maashariico ah ee horumarin ah waa laga reebay, haddii ay noqoto Xukuumaddii hore iyo Xukuumaddanba, xitta Baabuurtii lagu cashuuri jiray waa laga soo leexiyey, oo waxaa la yidhi waxba laguma cashuuri karo, Gobolka Hawdna waxan ma istaahilo, haddii ay noqoto xagga caafimaadka, xagga biyaha, xagga xoolaha, xaggii MCH-yada, xaggii Dugsiyada, wax alaale wax lagala qabtay ma jirto, Muuse Biixigii lahaa Geela ayaan ku raaci jiray Baligubadle, muxuu ku ilaaway, Madaxweyne xaqsoor iyo cadaalad baa lagaga baahan yahay,mana ah in ciddina dheragto, ciddina qado, haddii cadaalad la waayana waa la kala yaaci, Madaxweyne Wadanka waa la wada leeyahay ee cid gaari ma leh, ee mashaariicaha horumarinta si cadaalada ku jirto ha loo qaybiyo, ee Madaxweynuhu isaga ayaa maanta kursigii fadhiya, ee waxaa looga baahan yahay tanaasul iyo isku soo dhaweeyn”.

 

Source: Geeska