Somaliland: Shircigu Muxuu ka qabaa in doorasho Waddani ka maqan yahay loo qabto Xisbiyada UCID & Kulmiye?

MADAXDA XISBIYADA WADDANI KULMIYE IYO UCID EE SOMALILAND
MADAXDA XISBIYADA WADDANI KULMIYE IYO UCID EE SOMALILAND

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye iyo Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa War-saxaafadeed wada-jir ah oo ay Jimcihii maanta soo saareen ku sheegay inay ku heshiiyeen in doorashada golayaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoomaan 11-aad ee sannadkan 2019-ka, iyada oo uu ka maqan yahay Xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Waddani.

MADAXDA XISBIYADA WADDANI KULMIYE IYO UCID EE SOMALILAND
MADAXDA XISBIYADA WADDANI KULMIYE IYO UCID EE SOMALILAND

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xisbiga Waddani, ayaa hore u qaaddacay Guddiga doorashooyinka Somaliland ee hadda jooga oo uu sannadkii hore kala noqday kalsoonida, ka dib doorashadii madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay 13-ka bishii 11-aad 2017-kii oo uu saluug ka muujiyey natiijadii doorashadaas, soona jeediyey in la kala diro toddobada xubnood ee guddiga doorashada.

XUBNAHA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALLILAND
XUBNAHA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALLILAND

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hase-yeeshee, UCID iyo Kulmiye oo wadahadallo u socdeen maalmahan, ayaa sheegay maanta inay isku raaceen inay doorashada dowladaha hoose iyo golaha wakiillada qabtaan guddiga hadda joogaa bisha 11-aad ee 2019-ka. Waxay sidoo kale warkooda ku sheegeen in aanay aqbali doonin haddii uu Xisbiga Waddani ku adkaysto mawqifkiisii hore ee ahaa inaanu galayn doorasho Komishanka joogaa qabto. Kulmiye iyo UCID waxay intaas ku dareen inay diyaarna u yihiin inay labadooda Xisbi oo keliyi ku tartamaan ama loo qabto doorashadaas.

War-Saxaafadeedka ay maanta wada-jirka u soo saareen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, ayey ku kala saxeexnaayeen Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, waxaanay ku socodsiiyeen Madaxweynaha, Golaha Guurtida, Guddiga doorashooyinka, Ururrada bulshada Somaliland iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha beesha caalamka ee Somaliland dimuquraadiyadda ka taageera.

Waxay labada Xisbi ee warkan soo wada-saaray golaha Guurtida oo Sabtida berri u ballansan inay muddo-kordhin u sameeyaan golayaashaas oo doorashadoodu dib uga dhacday 29-ka bisha 3-aad ee sannadkan ooh ore loogu muddeeyey, ayey ka dalbadeen inay tixgeliyaan heshiiskooda iyo heshiis ay bishii 12-aad ee 2018-kii saddexda Xisbi ku go’aamiyeen inay doorashadu qabsoonto dhammaadka sannadkan 2019-ka, oo ay muddo-kordhintooda ku saleeyaan heshiiskan ay maanta isla qaateen UCID iyo Kulmiye.

Haddaba, waxay is-weydiintu tahay sharciga doorashooyinka Somaliland muxuu ka qabaa inay doorasho uu saddexda Xisbi Qaran ee dalka ka jira ee sharcigu oggolyahay inay xisbiyo qaran ahaadaan, labada kale ku tartami karaan ama loo qabto doorasho.

 

GUULEED-DAAFAC.jpg
GUULEED AXMED JAAMAC (GUULEED-DAAFAC) .jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed-daafac) oo ah Guddoomiyaha xarunta xuquuqda aadamaha Somaliland, ayaa sharciyadda arrintaas waxa uu uga warramay Weriye Barkhad Maxamuud Kaariye oo Somaliland u jooga laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, waxaanan warkaas idiinku soo gudbinaynaa qaybta hoose ee madawga ah oo aad ka dhegaysan kartaan ama kala degi kartaan Codka Warbixinta ee ka bogasho wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.