Xisbiga Waddani oo Jawaab adag ka bixiyey Heshiiska Kulmiye iyo UCID ee u qiil-deyista doorasho keligood ah

KULMIYE, UCID IYO WADDANI.jpg
KULMIYE, UCID IYO WADDANI.jpg

Hargeysa(Aftahannews)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa jawaab adag ka bixiyey heshiiska ay maanta shaaciyeen inay wada gaadheen Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, kaasoo ay ku sheegeen inay isku afgarteen in doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiillada la qabto bisha 11-aad ee sannadkan 2019-ka, isla markaana ay diyaar u yihiin inay guddiga doorashada ee hadda joogtaa u qabato labadooda oo keliya, haddii Waddani diidmadiisii hore ku adkaysto.

KULMIYE, UCID IYO WADDANI.jpg
KULMIYE, UCID IYO WADDANI.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cali Canter oo ka mid ah Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani, ayaa sheegay inaanay hawl iyaga u taalla ahayn, Madaxweyne Biixi iyo Xisbigiisuna rabaan muran iyo si ay muddo dheer kursiga u sii fadhiyaan, kuraas badanna u boobaan doorashada wakiillada iyo deegaanka oo ay guul ka siiyaan xubnaha guddiga doorashada ee hadda joogta oo uu Waddani hore kalsoonida ugala noqday doorashadii madaxtooyada ee 2017-kii ka dib.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.