Kulan degdeg ah oo la isugu yeedhay Golaha Guurtida iyo Muddo-kordhinta laga filayo

Hargeysa(Aftahannews)- Mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta lagu war geliyay inay si deg deg ah isugu yimaadaan fadhi aan caadi ahayn oo qabsoomi doona maalinta Sabtida.

Fadhigan laysugu yeedhay mudanayaasha Guurtida ayaa la xidhiidha warqad codsi ah oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu golahaasi u gudbiyay oo ku aadan mudo kordhin loo samaynayo goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka.

Dhinaca kale Xoghayaha golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Beegsi oo warbaahinta gudaha la hadley ayaa faah-faahiyay ujeedka kulanka deg deg ah ee laysugu yeedhay mudanayaasha golaha Guurtida.

“Madaxweynaha Somaliland waxa uu golaha Guurtida soo gaadhsiiyay warqad laga sugayay oo qaranka mihiim u ahayd, sidaasi darteed shirgudoonka Guurtidana waxaa ka soo baxay qoraal lagu tix raacayo warqadaasi kaas oo ah in dhamaan mudanayaasha golaha Guurtida la isugu yeedho fadhi aan caadi ahayn maalinta Sabtida, kaas oo lagu soo qaadi doono arrimo mihiim u ah qaranka”.ayuu yidhi Xoghayaha golaha Guurtida

Ugu danbayn Xoghayaha Golaha Guurtida Garyaqaan Cabdinaasir Beegsi ayaa Xildhibaanada golahaasi waxa uu ka codsaday dhamaan meelkasta oo ay joogaan in ay ka soo qayb galaan fadhigaasi.

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.