Ciidankii Puntland ka joogay Tukaraq oo ka baxay, Gaas oo Baaq u diray iyo Dani oo Kulan degdeg ah la yeeshay Taliyeyaasha Ciidammada – Warbixin

Garoowe(Aftahannews):- Madaxweynaha shaqada ka tegaya ee Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), oo shalay doorashada lagaga guulaystay, ayaa maanta ka hadlay Ciidammada Millateriga Puntland ee ay Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland isku hor-fadhiyeen deegaanka Tukaraq ee Bariga goblka Sool, halka Madaxweynaha la doortayna kulan la yeeshay Madaxda Ciidammada.

MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA CUSUB EE PUNTLAND OO SARAAKIISHA CIIDANKA LA KULMAY
MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA CUSUB EE PUNTLAND OO SARAAKIISHA CIIDANKA LA KULMAY
MADAXWEYNAHA LA DOORTAY EE PUNTLAND DANI IYO MADAXWEYNIHII HORE GAAS 2019.jpg
MADAXWEYNAHA LA DOORTAY EE PUNTLAND DANI IYO MADAXWEYNIHII HORE GAAS 2019.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidammada jiidda Tukaraq ee gobolka Sool kaga sugnaa maamulka Puntland, ayaa la sheegay inay xalay iyo saaka badi ka baxeen deegaannada Tukaraq iyo nawaaxigeeda, ka dib hal maalin markii ay qabsoontay doorashada Madaxtinnimada Puntland oo lagaga guulaystay Madaxweynihii hore Cabdiweli Gaas, isla markaana lagu doortay Madaxweynaha shanta sano ee soo socda hoggaamin doona Maamulka Puntland oo loo doortay Siciid Cabdillaahi Dani oo uu maantaba Gaas madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabbilay ama ku soo dhaweeyey.

Cabdiweli Gaas oo shir jaraa’id Arbacadii maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada Puntland, ayaa ugu baaqay inay Ciidammada Puntland ee ka baxay jiidda tukaraq ku noqdaan fadhiisimadoodii hore, isla markaana u taagnaadaan waxa ay u dhaarteen ee ah difaaca dalka iyo dadka reer Puntland. Waxa kale oo uu Gaas ka hadlay doorashada iyo isbeddelka hoggaamineed ee yimi oo uu sheegay inuu yahay mid fiican.

“Ciidammada qalabka sida ee Puntland meelkasta oo ay joogaan waxaan rabnaa inay u qabsadaan hawshoodii sidii ay u wateen oo ah, inay ilaaliyaan dalka, inay difaacaan xuduudeheenna iyo in ay qaranka u shaqeeyaan. Askariga Puntland reer maaha, qabiil maaha, gobolna maaha. Waa Askari u dhaartay inuu difaaco dalkiisa iyo dadkiisa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiweli Gaas.

Madaxweynaha Xafiiska ka tegaya ee Puntland Dr. Gaas, waxa uu sidoo kale baaq dejin ah u diray Shaqaalaha kala duwan ee dowlad-goboleedka Soomalaiyeed ee Puntland, waxaanu yidhi; “Shaqaalaha dawladda Puntland shaqaale gobol maaha, shaqaale reerna maaha, waa shaqaale Puntland, dalkaan u wada shaqaynaa dhammaantayo. Wax la yidhaahdo kala guur ma jiro, kala wareeg is-beddel dawli ah oo si fiican u dhashay ayaa dalkeenna ka dhashay, saas in loo arkaan rabnaa, waxaan rabnaa inaan sidaas u wada shaqayno, madaxda cusubna la soo dhaweeyo.”

Geesta kale, magaalada Garoowe ee caasimadda Maamul-goboleedka Puntland, waxa isla maanta shir gaar ah oo albaabbadu u xidhnaayeen ku yeeshay Madaxweynaha cusub ee shalay la doortay Siciid Cabdillaahi Dani iyo Taliyeyaasha Ciidammada Puntland iyo Saraakiil sarsare oo Ciidammada ka tirsan.

Inkasta oo aan Warbaahinta si rasmi ah loogu soo bandhigin waxay ka wadahadleen Madaxweynaha la doortay ee Puntland iyo Madaxda Ciidammada maamulkaasi, haddana wararka warbaahintu sida dadban u heshay waxay tibaaxayaan in arrinta ciidanka jiidda Tukaraq ka baxay iyo arrimaha adkaynta ammaanka Puntland la xidhiidha.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.