Madaxweynaha Puntland ee aan weli Xilka la wareegin oo Durba Weeraray Jamhuuriyadda Somaliland

MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND SICIID CABDILLAAHI DANI 2019.jpg
MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND SICIID CABDILLAAHI DANI 2019.jpg

Garoowe (Aftahannews)-  Madaxweynaha Puntland ee shalay loo doortay xilkaas oo aanu weli la wareegin, ayaa durba weerar dhinaca afka ah ku soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid mashruuc qaldan aammisan, isla markaana haysata oo ku doodaysa dhul ay Puntland leedahay, sida uu ku dooday

MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND SICIID CABDILLAAHI DANI 2019.jpg
MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND SICIID CABDILLAAHI DANI 2019.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdillaahi Dani oo waraysigiisii u horreeyey siiyey, ayuu ku sheegay inuu ka shaqayn doono horumarinta danaha Dadka reer Puntland, isla markaana xidhiidh fiican la yeelan doono Maamulkiisu dawladda federaalka Soomaaliya oo khilaaf beryahan dambe u dhexeeyey maamul-goboleedyada ay Puntland ugu wayntay.

Waxa uu ku dooday Madaxweyne Dani in Somaliland ku xad-gudubtay dhulka gobollada Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle, isla markaana ay rejaynayaan inay nabadgelyo kaga tagto Somaliland, hase ahaatee aanay aqbalayn in Somaliland ku dooddo xadkii ay wadaagi jireen Gumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriisku ka hor 1960-kii.

Haddaba, waraysiga uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani siiyey Telefeshinka qaybta Soomaaliga ee BBC-da, su’aalaha lagu weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.