Kabaha Ra’iisul-wasaaraha Australia oo layaab iyo Shaki hor leh dheliyey iyo Qosolkiisa!

Ra'iisul-wasaaraha dalka Australia Scott Morrison
Ra'iisul-wasaaraha dalka Australia Scott Morrison

Australia(Aftahannews):- Ra’iisul-wasaaraha dalka Australia Scott Morrison, ayaa ku qoslay sawir been-abuur ah oo laga sameeyay, ka dib markii la farsameeyay sawir ku jiray boggiisa Twitterka, waxaanu aad ugu qoslay qisada sheekadan kabihiisa ku saabsan.

Ra'iisul-wasaaraha dalka Australia Scott Morrison
Ra’iisul-wasaaraha dalka Australia Scott Morrison

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

War ku saabsan kabahan shakiga laga muujiyey ee Raysal-wasaaraha ka qosliyey oo aannu ka soo xigannay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC boggeeda, ayaa lagu sheegay, in Sawirka Morrison iyo qoyskiisa ayaa muujinaya raysal wasaaraha oo xiran kabo shaki dhaliyay. Farshaxan qurxin looga dan lahaa ayaa u muuqda mid dhicisoobay, waxaana qofkii sameynayay uu illoobay inuu kabaha si sax ah uga kala dhigo lugta midig iyo lugta bidix.

KABAHA RAYSAL-WASAARAHA AUSTRALIA
KABAHA RAYSAL-WASAARAHA AUSTRALIA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sawir lagu faafiyay baraha xidhiidhka bulshada, ayaa muujinaya in Ra’iisul-wasaaruhu xidhan yahay labo kabood oo isku hal lug ah. Dadka isticmaala baraha bulshada, ayaa isla markiiba aqoonsaday in kabuhu ay yihiin kuwo been-abuur ah, taas oo hadal heyn dhalisay.

Morrison oo jawaab dabacsan siiyay dadka ka been-abuurtay, ayaa ku eedeeyay in sawirka ay ka dambeeyaan shaqaale xafiiskiisa ka tirsan. “Jawaab ku socota waaxdeyda (PM&C): Ma codsan in kabaha la ii baalasheeyo, haddiise ay tahay inaad ka been abuurataan, fadlan diiradda saara timaha, haku mashquulina cagaha!” ayuu bartiisa Twitter-ka ku qoray.

Sawirka rasmiga ah – oo muujinaya isaga oo xiran kabo duug ah – ayaa hore loogu arkay muuqaal uu ku jiro Raysal-wasaaraha. Si ay arrinta uga sii dhigaan mid lagu qoslo, ayay dadku tilmaameen in Ra’iisul wasaaruhu uu u muuqday mid xidhan labo kabood oo lugta bidix loogu talogalay.

Qaar ka mid ah dadka internet-ka isticmaaka, ayaa bilaabay inay farsameeyaan sawirradooda, iyagoo kabo been abuur ah ku daraya sawirrada Morrison iyo asxaabta ay dowladda ka wada shaqeeyaan. Qof kale ayaa ku kaftamay albaabbada wareegsanaya ee raysal wasaarayaasha Australia.

Morrison ayaa bixiyay jawaab isagoo Twitter-kiisa soo dhigay sawirka rasmiga ah ee kabihiisa, isagoo sheegay inuusan war u heyn sawirka la farsameeyay. Xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo wasiirrada ayaa ku eedeeyay sawirka been abuurka ah inuu ka dambeeyay nin qaabilsan farshaxanka sawirrada.

Sawirkan shakiga dhaliyay ayaa lagu daabacay barta internetka ee ra’iisul wasaaraha. Balse sawirka rasmiga ayaa sidoo kale hadda lagu arki karaa bogga internet-ka ee Mr Morrison.

Ma aha markii ugu horreysay ee baraha bulshada lagu xagxagto ra’iisul wasaare Morrison. Bartiisa gaarka ah ayaa sanadkii hore lala wareegay, waxayna arrintaas sababtay hadal heyn aad u ballaaran.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.