“Annaguba Shalay!” Qormo Xiiso leh – W/Q: Suxufi Bakhrad M. Kaariye

SUXUFI BARKHAD MAXAMUUD KAARIYE
SUXUFI BARKHAD MAXAMUUD KAARIYE

Intaan ku soo socday buuqa iyo bullaanka meesha ka jira awgeed inay wax dhaceen baan dareemay. Mase jirin wax dhacay ee gaadiidkaa jidka isku soo gaadhay. Ma arkaynin in la weetaynayo amma la horqabateeyay oo gaadhi walba qori lala hortaagan yahay. Markaan soo gaadhay baa dhawr gaadhi dhaqaaqeen, markaasaan gartay in cashuur weydiin iyo hubin ay tahay.

SUXUFI BARKHAD MAXAMUUD KAARIYE
SUXUFI BARKHAD MAXAMUUD KAARIYE

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabbaar baan cagta gaabiyay, waxaanan arkay dhawr gaadhi oo kuwa dawladda ah oo askarigu ka hor beydhayo marka uu soo gaadho oo aanu joojinayn! Markiiba waxa maankay ku soo degdegtay, ‘Bal caddaalad-darrada eeg, waa musuq! Miskiin baa misko la fuulo leh iyo ereyo la mid ah! Bal muxuu kuwa dawladda u joojin waayay, miyaanay musuq iyo garasho/habrasho ahayn!’ Orod baan isa sii daayay, dabadeed waxaan tegay wargeyskaygii, haa wargeyskaygii! Ma ahayn wargeys aan ka shaqeeyo ee Ogaal wuxuu ahaa Wargeyskaygii! Anigoo xiiqsan baan galay qolkii waxsoosaarka (Wararka). Qoraal baan la fuulay meel halkeer ah! Caddaalad-darrada xukuumadda iyo xigtaysiga aan soo arkay baan si buunbuunin leh u qoray!

Markaan dhammeeyay, ayaa tifaftirihii guud ee Wargeyskayga Ogaal, macallinkaygii qoraalka Muse Faarax Ibraahim-Jaambiir ayaan u sheegay inaan maanta ‘Ka dhiidhiyay caddaalad-darrada dalka lagu hayo oo aan doonayo inaan qalinkayga ugu hiiliyo!’ Markuu dhugtay hadalkaygii, ayaa ismaba uu dhibin, igamana jiidhin’e uu ‘Haye iyo waa tu san’ I yidhi.

Markii uu malahayga isyidhi ‘Hadda ayaanu niyadjabayn oo uu nastay’ ayuu ii yeedhay. Qunyar oo dhalatay buu igu yidhi, ‘Waa qoraal wanaagsan, waa shaqada saxafiga in dulmiga la diido, aad baan uga helay iyo ereyo kale oo arar ahaa. Hase ahaatee, waxaad ogaataa in gaadiidka dawladda aanay ku waajibin cashuuri!” Markaas baan gartay in uu si wacan ii saxay oo cilmi iga maqnaa ii kordhiyay! Waxay ahayd 13 sanno ka hor! Aniguba shalay….

Waxaan ku keenay, ma jiro qof aqoon ku dhashaa, dembina qofku kuma lahay inaanu aqoon lahayn amma garanaynin mihnadda uu ka shaqaynayo tiirarkeeda iyo tiirarka aqooneed ee kale ee haya amma tiiriya, waxase daran qofku inaanu aqoon korodhsan! #Aqoonkorodhso.

Barkhad Maxamuud Kaariye.