Guddoomiyaha Hay’adda Shaqalaha Dawladda: Iftiin ka dhex Muuqda Somaliland! W/Q: C/Risaaq-Koronto

GUDDOOMIYE SHARMAARKE GEELLE IYO CABDIRISAAQ-KORONTO
GUDDOOMIYE SHARMAARKE GEELLE IYO CABDIRISAAQ-KORONTO

Haya’dda shaqaalaha.dawladda Somaliland waa hay’dda  u taagan, isla markaana Xukumadda dhexe masuul uga ah tayeynta,  tiro-koobka iyo taakulaynta Shaqaalaha  dawladda. Haddaanse u soo dego  u jeeddada maqalkaygan, aan kaganfaaloon doono  Hay’adda Shaqaalaha dawladda oo door laxaad leh ka  qaadatay  qaabaynta iyo horumarinta shaqaalaha dawladda Somaliland.

GUDDOOMIYE SHARMAARKE GEELLE IYO CABDIRISAAQ-KORONTO
GUDDOOMIYE SHARMAARKE GEELLE IYO CABDIRISAAQ-KORONTO

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sharmaake Axmed Muxumed Geelle (Dacar) waa Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda  Somaliland. Tan iyo intii uu majaraha u qabtay Hay’ddaasi waxa uu u gunti gaabsaday sidii uu u jeexi lahaa jidkii uu ku gaadhi lahaa qaranka Somaliland oo yeesha  shaqaale taydooda tiradooda iyo tooda mishahar qaadashaba  laysku sarjaray .

Idam Alle Guddoomiye Shaarmake, waxa uu ku guulaystay hamigiisii ahaa soo saaridda shaqaale laga dhisay dhammaan wixii looga baahnaa shaqaale dawladdeed oo gudan kara shaqada ay umadda u hayaan.

Guddoomiye Sharmaake oo kaashanaya qaybaha kale duwan ee Hay’addiisa, Madaxweynaha Qaranka Muuse Biixi Cabdi iyo Wasaaradaha dalka, waxa uu bilaabay barnaamij bulshada Somaliland si weyn ugu riyaaqeen, kaas oo ahaa tiro-koobka shaqaalaha dawladda oo ka hor barnaamijkaasi aan si  saxa loo hubin tiradooda iyo taydooda midna.

Waxa ay hay’adda shaqaaluhu u xadhko xidhatay bilaabitanka barnamijkasi oo  lagu eekaysiyey Wasaaradaha iyo laamaha dawladda  waxana aakhirkii ka.soo baxay max suul sida badarka ama.biyaha roobka u  wada deeqay bulsho weynta reer Somaliland, kaasi oo ahaa in la helo tiro faro badan oo sifo aan sharci ahayn u qaadanaysay mushar ayna xaq u lahayn. Sida ku qaadasho magac aanu lahayn, caaglayn, ku qaadasho qof dhintay, dhoofay ama xanuusanaya.

Hayeeshee, Guddoomiye Sharmaake iyo hay’addiisu waxay ku guulaysteen inay dhamaan waxyabahaasi meesha ka saaran  .gunanadkii barnamijkasina waxa uu ku biyo shubtay in maanta qaranka somailand yeesho shaqaale la hubiyey tiradooda taydooda iyo tooda musharqadasho

Waxaa soo baxay boosas shaqo oo bananday dalkuna u baahna .waxana ka.mid ahaa.1 waxyabaha barnamijkasi lagu majeertay in .markii ugu horaysay somaliland hal.mar qalinka lagu duugo mushahar siinta kun macalin oo.ka.hawlgala dugsiyada dawladda  kuwaasi oo mudo.mushahar la aan ugu shaqaynayey qaranka ka dib juhdi iyo dadal  uu.galay gudoomiye sharmaale .2 in markii ugu horaysay hayada shaqaalaha dawladu. lixda gobol ee ugu waaweyn dalka ka.fuliso imtixaano lagu buuxinayo boosasakii ka.soo baxay barnaamijkii.tiro koobka shaqalaha dawladda.

Aakhirkii hay’dda shaqaalaha dawladu si rasmiya u.shaqalaysiisay ku dhawad 300 shaqale  cusub ah ku waasi oo buuxin doona bosaskii bananaday shaqalahan ayaa ku soo baxay imtixaan si cadalada ay u qaaday haya.da shaqaaliluhu.

ugu dambayntii hal maqaal iyo laba toona laguma sookoobi karo horumarka iyo hanaqaadka shaqo ee ka socda hay’adda shaaalaha dawladda Somaliland,  horumarkaas baaxadda lehna waxa isteerinka u haya  mufakirka, mu’alifka, maskax maalaha  da’da yar ee ku dayashada ugu filan ficiisa iyo malaayiinta dhalinyarada  dalka ah Guddoomiye Sharmaake Axmed Muxumed.

Qalinkii Caddirisaaq Axmed Cabdi (Koronto)

Shooled01@Gmail.com                      

Hargeysa/Somaliland.

Ujeeddada iyo Dulucda Qoraalkani kama turjumayso Aragtida Bahda Warbaahinta Aftahannews, hase-yeeshee, xurmo, xishmayn iyo saamayn kasta oo taban ama togan oo uu leeyahay waxay gaar u tahay oo ka masuul ah qoraaga Maqaalkan ee magiciisu ku qoran yahay dhammaadka qormada. Balse keliya Masuuliyadda Aftahan waa in ay gubbiso aragtida macquulka ah ee qoraaga si aynu u dhiirrigelinno doodaha, fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay qaybaha Bulshada iyo Qalin-maalku is-weydaarsanayaan, kuana cabbirayaan hadba marxaladda taagan iyo waxay dareemayaan, sida ay dammaanad qaadayaan Dastuurka dalka iyo Xeerarka caalamiga ah ee xorriyadda cabbirka fikirka.