Tog-Wajaale: Ganacsatadii Hantidooda ku waayey Masiibadii Dabka, Xaalkoodu Ma; “Ceelna uma Qodna, Ceelalyona uma Maqnaa?” W/Q: C/Risaaq Askar

WAJAALE OO GANACSI BADANI KU GUBTAY PHOTO FILE 2017
WAJAALE OO GANACSI BADANI KU GUBTAY PHOTO FILE 2017

Waxay ku beegnayd 24 Dec 2017 kii , markii Masiibo ka dhashay dab  qabsaday in ka badan lixdameeyo meheradood oo ku yaala Magaalada Tog-Wajaale oo ay ku burburtay Hanti kabadan laba Milyan oo doolar oo ay lahaayeen muwaadiniin ganacsato reer Somaliland ah. 

WAJAALE OO GANACSI BADANI KU GUBTAY PHOTO FILE 2017
WAJAALE OO GANACSI BADANI KU GUBTAY PHOTO FILE 2017

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ganacsatadaa hantidooda ku waayey oo qaarkood tobaneeyo sanno kasoo xoogsaday Dalka amaankiisu khatarta badan yahay ee Koonfur Africa kadibna dalkooda usoo gurya noqday ganacsina ka yagleelay magaalada Tog-wajaale , iyo kuwa kale oo iyaguna hantida halka ay ku waayeen rafaad iyo juhdi ku keenay. Kuwaa oo manta ayna gacanta waxba ugu jirin, ayaanayn waxba ka fulin balamo ay xukuumadu uqaaday oo dhaqaale loo ururinayay.

Waxaa jirtay in mar Gudida Ganacsatada Togwajaale ay isku xilqaameen in loo gurmado oo wax loo ururiyo balse taasina may noqon wax tamarisa oo midho dhal noqda.

Waxaa kale oo iyana jirtay in Madaxweyne Muuse Biixi u Magacaabay Guddi Masuuliyiin Xukuumadiisa ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta , Wasiirka Boosaha iyo Wasiirku xigeenkii hore ee Maaliyada si gurmad taakulo loogu fidiyo Ganacsatadaa Dabku Caydheeyey……nasiib daro se iyagana warkoodii lawaa meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Haddaba, Gurmadkii kala duwanaa iyo balamihii loo qaaday muwaadiniintaa hantidoodii kuwaayey masiibada dabku keenay, Ayaa xiligan xaalkoodu yahay Ceelna Uma Qodna Ceelalyana uma Maqna!

Waxaan kula talinayaa Madaxweyne Muuse Biixi in uu xaaladaa dusha ku xusan dib u eego . waxanan leeyahay Madaxweyne Ganacsatadaa maanta Masiibada dabka ka dhashay hantidoodii ku waayey waa Muwaadiniintii aad madaxweynaha u tahay oo Xilkoodu ku saran yahay ee dib u milicso go’aankii gurmad ee aad hore uga qaadatay wixii dhiciseeyey,  waa mid lagaa sugaayo.

Wabillahi Tawfiq

Qalinkii; Cabdirasaaq Askar

Hargeysa/Somaliland.