Real Madrid oo Gaadhay Finalka Koobka naadiyada adduunka ee CWC

Filed under: Aragtida Bulshada |

Kooxda Real Madrid ayaa gaadhay finalka Koobka Naadiyada Aduunka, kaddib marki ay 3-1 uga badisay kooxda Kashima Antlers ee dalka Japan.

Saddexda gool ee ay Real ku badisay waxaa u dhaliyay Gareth Bale, halka goolka kaliya ee Kashima Antlers uu saxeexay Shoma Doi dhamaadkii ciyaarta.

Kooxda Real oo heysta horyaalnimada Yurub ayaa waxay finalka koobka naadiyada aduunka Sabtida magaalada Abu Dhabi kula ciyaari doontaa naadiga Al Ain FC ee ka dhisan dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Haddii ay badiyaan waxay noqon doontaa in Real ay tartankani ku guuleysan doonto markii saddexaad oo xidhiidh ah.

Kooxda Al Ain ee magaalada Abu Dhabi, waxay si lama filaan ah uga soo badisay wareegi semi-finalka ee tartankan kooxda River Plate ee dalka Argentina oo difaacaneysa horyaalnimada tartanka naadiyada Latin America.

Share Button

You must be logged in to post a comment Login