Isku aadka koobka FA Cup-ka Ingiriiska oo la sameeyay

An inflatable FA Cup trophy is erected prior to the game between Arsenal and Chelsea

Waxaa la sameeyay isku aadka wareega semi-fnalka ee koobka FA Cup-ka dalka Ingiriiska, kaddib marki xalay lasoo gaba gabeeyay wareega sideeda kooxood.

Koxda tartankan difaacaneysa ee Manchester City waxay rigoodhayaal 3-1 uga soo badiysay Salaasadii kooxda Leicester City, waxay hadda isku beegmeen wareega afarta koox naadiga Burton oo ka mid ah kooxaha ka ciyaara horyaalka heerka labaad ee dalka Ingiriiska.

Burton waxa iyaduna Salaasadii kasoo adkaatay Middlesbrough oo ay ku garaacday 1-0.

Kooxda Tottenham ayaa wajahi doonto Chelsea oo ay ay laba jeer isku arki doonaan wareega semi-fainalka ee tartanka bisha January ee foodda nagu soo heysa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Tottenham, waxay xalay 2-0 uga badisay kooxda ay sida aadka ah u xafiiltamaan ee Arsenal ciyaar xalay ka dhacday magaalada London.Goolasha waxaa Tottenham u kala dhaliyay Heung-min iyo Dele Alli.

Kooxda ay hadda isku beegmeen ee Chelsea waxay xalay 1-0 ku garaacday Bournemouth. Goolka guusha waxaa aakhirki ciyaarta u saxeexay xiddigooda Hazard.