Jose Mourinho oo laga eryay shaqadii Manchester United

Hargeysa (Aftahannews)- Wararka laga helayo Kooxda Manchester United waxa ay sheegayaan in shaqada laga eryay tababarihii kooxdaasi, Jose Mourinho, kadib labo sano iyo badh oo uu tababare u ahaa kooxdaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay kooxda ayaa lagu sheegay ”Kooxdu waxaa ay u mahadcelineysaa tababare Jose Mourinho, waxayn u rajeneysaa mustaqbal wanaagsan”.

.

United ayaa sidoo kale sheegtay in tababare kale oo kusime ah, leyliya na kooxda inta ka dhiman xili ciyaareedkan la magacaabi doono, inta kooxdu ay ka shaqaaleysiin doonto tababare kale. Manchester United ayaa kaalinta lixaad kaga jirta liiska kala horeynta kooxaha ee horyaalka Ingiriiska, waxaana 19 dhibcood ay ka hooseysaa kooxda Liverpool oo 3-1 uga adkaatay maalintii axadda.

Kooxda Manchester United oo xili ciyaareedkan ciyaartay 17 ciyaarood ayaa waxaa ay heshay 26 dhibcood oo keliya, waxaana mudooyinkii dambe ay la kulmasay guuldarooyin.

Tallaabadan shaqada lagaga eryay Mourinho ayaa timid kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay isaga iyo Paul Pogba oo sababtay in Pogba aanan la soo safin ciyaartii Anfield.