Madaxweynaha Eritrea oo Si diirran loogu soo dhaweeyey Muqdisho iyo Kulammada Socda – War & Sawirro

LEADERS OF SOMALIA AND ERITREA IN MOGDISHU 2018
LEADERS OF SOMALIA AND ERITREA IN MOGDISHU 2018

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana soo dhaweeyey Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, Masuulliyiin kale oo golayaasha dowladda ka tirsan iyo Boqollaal Shacabka Reer Muqdisho ah.

LEADERS OF SOMALIA AND ERITREA IN MOGDISHU 2018
LEADERS OF SOMALIA AND ERITREA IN MOGDISHU 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Labada Madaxweyne, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed. Sidoo kale, kumannaan shacab ah, ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda si ay u soo dhaweeyaan Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweynaha dalka Ereteriya iyo wafdigiisa, ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Booqashadan ayaa salka ku haysa abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Ereteriya, iyo dardargelinta qorsheyaasha wadajirka ah ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Soodhaweynta Wafdiga Madaxweynaha dalka Ereteriya waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka.

Qoraal ay Madaxtooyada dowladda Soomaaliya soo dhigtay barteeda Twitter-ka maanta, ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay kulankooda kaga wadahadli doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo danaha ka dhexeeya labada dal.

Madaxda hoggaamisa dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya, ayaa bishii hore kulan ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga wadahadleen heeshisyadii ay ku kala saxeexdeen Asmara iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa, isla markaana loo hirgelin lahaa.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, ayaa BBC-da u sheegay in Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki aanay ahayn markii ugu horreysay ee uu Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho tago, balse uu markii uu ahaa Xoghayaha guud ee Jabhaddii Xoraynta Eritrea ee Itoobiya la dagaallamaysay sannadihii siddeetamaadkii uu joogi jiray mararka qaar oo booqan jiray Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah, isla markaana ay Jabhaddaasi taageero ka heli jirtay dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya burburtay, immikana uu ku faraxsanyey booqashadiisa Muqdisho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.