Reer Wajaale oo ka Qaylyey Madaxda Booliska, Xeerilaalinta & Maxkamadda Degmadaas – Warbixin Xasaasi ah

DADKA REER WAJAALE OO KA QAYLIYEY BOOLISKA, XEER-ILAALINTA IYO MAXKAMADDA WAJAALE 2018
DADKA REER WAJAALE OO KA QAYLIYEY BOOLISKA, XEER-ILAALINTA IYO MAXKAMADDA WAJAALE 2018

Wajaale(Aftahannews):- Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale ee gobolka Gebiley oo ku Taalla xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, ayaa ah Goob xasaasi ah. Inkastoo in badan isbeddel maamul lagu sameeyey dhinacyada kala duwan ee laamaha Booliska iyo Garsoorka, haddana weli waxa jira tallaabooyin sharciga baal-maran oo Bulshada ku dhaqan deegaanka Wajaale sida fiinta uga qayliyeen.

DADKA REER WAJAALE OO KA QAYLIYEY BOOLISKA, XEER-ILAALINTA IYO MAXKAMADDA WAJAALE 2018
DADKA REER WAJAALE OO KA QAYLIYEY BOOLISKA, XEER-ILAALINTA IYO MAXKAMADDA WAJAALE 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kuwaas oo ka Dhigay In Qaybaha Bulshada ee kala duwani noqdaan kuwo cabudhsan oon Cabasho ka Muujin Karin Culeyska soo Wajaha iyagoo Cabsi Weyn ka Qaba Cadaadis Kagaga yimaada Maamulka degmada ama in Xadhig Loo Gaysto, sida lagu faafiyey Shabakadda Gabiley.net oo aannu Warkan ka soo xigannay caawa.

Warkan oo sii socday, ayaa lagu sheegay in Ganacsiga Kala Duwan ee Ka socda Magaalada, isna waxa jira Tacadiyo lidku ah horumarka magaalada ka socda  oo  Si dadban lagula kaco Maxaabiista lasoo xidho.

Arrimahan sharciga baalmarsan kana hor imanaya xuquuqda muwaadiniinta reer somaliland uu siiyay dastuurku ayaa lagu sheegay in uu hormuud u yahay taliyaha booliska ee wajaale kaasi oo saamayn badan ku yeeshay haayadaha kale ee wada shaqayntu ka dhaxayso Sida Xeer ilaalinta iyo Masuuliyiinta   Maxkamada gobolka gabiley. Taasi oo Sababtay in Go’aada kasoo fulayaa Xukunada Dadka Lasoo Xidhaa Noqdaan Kuwo ka fog Cadaalada. Waxa jira arrimo ugub ah oo ku cusub degmada oo aan hore uga jiri jirin.

Dadka Lasoo Xidho ee loo haysto danbiyada kala duwan haddii ay yihiin ganacsatada gaadiidleyda  iyo qaybaha kala duwan ee bulshada qofwalba waxay ku xidhan tahay sida uu ula macaamilo in lasii daayo oo uu xoriyadiisa dib helo,

Dadka Qaar Ayaa Lagu siidaayaa Ganaax lacag ah oo loogu bedelo xadhiga ama xukun ay ku rido maxkamadu, iyadoo sida ilo xogo-ogaal ah oo aanu helay noo xaqiijiyeen in dadka qaar maxkamada la horgeeyey oo kiiskooda la dhegaystay haddana laga siidaayey saldhiga kadib markii ay bixiyeen xadigii lacagta ganaaxa ahayd ee lagu xukumay ama Taa Badalkeeda ay sugaan in dib loogu celiyo maxkamada oo lagu rido xukun xadhig ah, Qorshehaas oo ah mid inta badan ay ka wada socodaan taliyaha degmada oo ah masuulka maxbuuska ganacta ku haya iyo  xeer ilaaliyaha  oo ah wakiilka xeer ilaalinta u qaabilsan Dacwad oogsita Danbiilayaasha,iyo Gudoomiyaha maxkamada oo isna ah masuulka ka garsoora danbiyadaasi. Balse ay Xaqiiqada Jirtaa tahay in Wada Shaqeyn toosa oo Qaawani ka Dhexeyso Sadexdan masuul.

Magaalada Wajaale oo Ah Magaalo ganacsiyeed Dhaqdhaqaaqeedu aad u badan yahay islamarkaana ah goob xasaasiya oo Isu socodkeedu badan yahay kana Dhacaan Kiisas Aad u Tiro weyni, Haddana ma Jiro Hal garsoore oo ku Qoran Degmadaasi, kaliya Waxay u Xaniban tahay Degmadu In la dhegaysto Ama maxkamada La geeyo Dadka Lasoo Xidho Wiigii Laba jeer oo uu tago  Gudoomiyaha Maxkamada Gobol Degmo ee Gabiley, Halka ay Garsooreyaasha Ku Qoran gobolka ay Ay tiradoodu kor u dhaafayso Qiyaasii ilaa 13 Garsoore, mana jiro garsoore kamida 13kaa garsoore oo dacwad ka gali kara degmada Wajaale ama lagu qoraa aan ka ahayn Gudoomiyaha maxkamada.

Sawirkan Hoos idiinka Muuqdaa Waa Qolyar oo la Noogu Sheegay Inuu yahay Maxkamada Degmada ee Wajaale, Waxaa Silsilado Ku taxan Ku Dhawaad ilaa Tobaneeyo rag ah oo loo haysto kiisas kala duwan.

DAD MAXAABIIS AH OO AY ASKARTA SALDHIGGA BOOLISKA WAJAALE ISKU XIDH-XIDHAYAAN 2018
DAD MAXAABIIS AH OO AY ASKARTA SALDHIGGA BOOLISKA WAJAALE ISKU XIDH-XIDHAYAAN 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa Kamida Raga Qaar Loo haysto in lagu Qabtay iyagoo Sita Cabayana Xashiishad, Sidaana Maxkamada lagu horkeenay, halka uu eedaysanaha lagu Soo Eedeeyey Danbigani Ku Doodayo isna “Anuu Xashiishada Waan Soo iibsadee Mee Cidii Iga Iibisay Waan idiin Sheegay oo Waa Lasoo Xidhay Oo hadda Waa Lasii Daayee, Maxaa isaga loosii daayey isagaaba ka ganacsanayee ee aniga laygu haystaa mise isagu Waxa uu Bixiyey Ganaaxii (oo macnihiisu yahay “Laaluushkii)…”.

Falalka Noocan Ah ayay Dadka Xog’ogaalka u ahi degmada ku macneeyeen kuwo ah Nidaam ka Ganacsi Dadka ah oo ay ku midaysan yihiin masuuliyiintay aynu kor kusoo sheegnay.

Iyagoo ugu Baaqay Laamaha Kala Duwan ee ay Hoostagaan masuuliyiintani Awoodana U leh Wax ka Qabashooda in Si Waafaqsan Shuruucda iyo Nidaamka Dawladnimo Waxlooga qabto arrimahan. Madaxweynaha Qarankuna Mudane Muuse Biixi Cabdi uu Kula Xisaabtamo Saraakiisha Loo Magacaabayo gobolka iyo degmadaba.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.