Haween ka Kalluumeysta Xeebihii Budhcad-badeedda Soomaaliya laga Sifeeyay

Eyl(Aftahannews)- Toddobaadkan waxaa tobban sannadood jirsaday Ciidammada Badda ee Midowga Yurub ee ka howlgalayay Badaha Soomaaliya.

Howlgalka Atlanta ee Midowga Yurub ayaa waxa uu mudadaas ka shaqeynayay sidii uu u dhowri lahaa qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2008-dii kaas oo loogaga gol lahaa in lagu soo afjaro dhibaatada budhcad badeedda Soomaalida.

Dadka deggan deegaannada ku teedsan xeebaha ee markii hore ay ka qadhaaban jireen budhcad badeedda ayaa ka faa’iidaystaa mashaariic horumarin ah oo ay Hay’adaha Qaramada Midoobay halkaasi ka fuliyeen. Waxaa ka mid ah magaalada Eyl halkaas.

Xigasho BBCSomali.com.