Cayaartoy qaxooti ah oo ka walbahaarsan in loo gacan geliyo Bahrain

Hargeysa (Aftahannews)- Cayartooy u dhashay dalka Bahrain ayaa waxaa lasoo deristay walaac kaddib markii lagu xidhay dalka Thailand, wuxuuna wajahaya tarxiil.

Xakiim Al Carabi oo 25 jir ah, oo degenaansho ka helay dalka Australia ayaa lagu xidhay magaalada Bangkok bishii lasoo dhaafay kaddib markii Bahrain ay u jartay warqad lagu xidhayo cayaartoygan iyadoo usii mareysa booliska caalamiga ah ee Interpol.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu burbur u gaystay xarun boolis oo ku taalla dalka Bahrain.

Xakiim wuxuu beeniyay dacwadda loo haystay.

Dowladda Australia, xidhiidhka kubadda adduunka ee Fifa iyo ha’yadaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa cambaareeyay xidhitaankiisa, waxayna walaac ka muujinayaan in loo gacan geliyo dalka Bahrain.

Xilli uu fasax u joogay 27-dii bishii September ayaa lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee Bangkok.

Wuxuuna ku anddacoonaya in la jidhddili doono waa haddii loo dhiibo Bahrain.

Sannadkii 2014-kii ayaa Xaakim Al-Carabi lagu xukumay 10 sanno oo xadhig ah isagoo dalka ka maqan.