Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Dhalliilay Hoggaaminta Farmaajo, Madaxweynaha Somaliland-na Ammaanay

Muqdisho(Aftahannews)- Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wada-jir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo muddo 10 Bilood kadib maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay arimo dhowr ah, Isaagoona eedayn culus u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay Siyaasadda dalka Soomaaliya ayuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aanu u dulqaadan karin dhaliilaha ay kooxaha mucaaradka u jeediyaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in musharaxiinta mucaaridka ah ee la tartamaya ay dhaliili karaan oo aanu xabadna ku ridin, laakiin madaxweyne Farmaajo aanu ogolayn dhaliilaha loo jeediyo.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka