Sucuudiga oo diiday inuu Turkiga u dhiibo dadka lagu tuhunsan yahay dilka Jamaal Khaashuqji

Riyaadh (Aftahannews)- Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay inaysan u gacan gelin doonin xukuumadda Turkiga dadka looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa shir jaraa’iid uu ku qabtay magaalada Riyaadh ka sheegay in aysan muwaadiniintooda u dhiibi doonin cid kale.

“Ma dhiibi doono muwaadiniintayada” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al Jubeyr.

Caadil ayaa dhaleeceeyay sida Turkiga uu macluumaadka ula wadaagay boqortooyada Sucuudiga.

Caadil Al Jubeyr wuxuu dhaleeceen u jeediyay Turkiga

Caadil wuxuu yidhi “Waxaan ka codsaneynaa saaxibada Turkiga inay na siiyaan caddeymaha ay hayaan si aan ugu bandhigno maxkamadda, uma aanan helin macluumaadka qaabkii la rabay”.

Toddobaad ka hor ayay aheyd markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu codsaday in dalkiisa loo soo gacan geliyo dadka lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka Khaashuqji.

Arbacadii ayaa maxakmad ku taalla Turkiga ay soo saartay warqad lagu xidhayo dadkaasi oo ay kamid yihiin Axmed Al casiiri oo ahaan jiray taliye sare oo ka tirsan sirddoonka Sucuudiga iyo la taliyihii hore ee qoyska reer boqor, Sacuud Al Qaxddaan.

Muxuu Erdogan sheegay?

“Waannu ognahay in dadka ka dambeeyay dilka ay ka tirsan yihiin 18-ka qof ee laga shakisan yahay ee lagu hayo gudaha dalka Sucuudi Carabiya,” ayuu ku qoray wargeyska the Washington Post, halkaas oo ah warbaahintii uu Khaashuqji wax ku qori jiray.

“Waxaannu kaloo ognahay in shakhsiyaadkaas ay Turkiga u yimaadeen inay fuliyaan amarro la soo siiyay: oo ah inay dilaan Khaashuqji kaddibna ay iska tagaan. Ugu dambayntii, waxaannu ognahay in amarka dilka Khaashuqji uu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga.”

Isagoo qoray in dilka weriyaha aanay ka qeyb qaadan askar oo kaliya ah ee ay jiraan dad kale oo badan ayuu Madaxweyne Erdogan waxa uu ku baaqay in “dadkii ka dambeeyay dilkii Khaashuqji” bannaanka la soo dhigo.

“Waa in aanay dhicin in markale cid ay ku soo dhiirato in fal noocaas oo kale ah ay ku dhex fuliso dhulka xulafada Nato,” ayuu yidhi. “Haddii cid un ay digniintaas iska dhegatirto, waxa ay wajihi doontaa cawaaqib xumo baahsan.”

Waxa uu ka cowday in aanan wax tallaaba ah laga qaadin qunsulka guud ee Sucuudiga, kaas oo Turkiga isaga tagay, waxa uuna dacwad oogaha guud ee Sucuudiga ku eedeeyay inuu ku guuldarraystay inuu la shaqeeyo dambi baardhyaasha “isagoon weliba ka jawaabin su’aalo iska fudud”.

Xus lagu soo beegay afar todobaad kaddib dhimashadii weriyaha ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Washington.

Daniel Balson oo ka tirsan hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegay in ay tahay in dowladda Sucuudiga loo qabsado dilka weriyaha.

“Muddo dheer ayey ku shaqeynayeen hab ah in iyaga aanan waxba laga qaadi karin xukunnadase ay dadka kale ku ridaan,” ayuu yidhi.

“Waxay aaminsan yihiin in qof dhaleeceeya dowladda lagu dhexwaayi karo dhismo diblumaasiyadeed misana dadka cadaaladda jecelna aanay arrintaasi ogaan doonin ama haddii ay ogaadaan inaysan ka hor imaana karin ama haddii ay ka hor imaadaan inaysan xasuusan karinba. Hagaag waannu ogaannay waanan ka xumaannay mana hilmaami doonno dilkaasi.” ayuu yidhi Daniel Baslson.

Khaashuqji ayaa waxaa 2-dii bishii Oktoobar lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul.

 

Source: BBC Somali