Ku-xigeennada 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka oo Weeraray Guddoomiyahooda oo qabtay Mooshin ka Dhan ah Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad

Guddoomiye Ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka oo Deedifeeyey Mooshinka ka dhanka ah Farmaajo

Muqdisho(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo caawa Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Muqdisho, ayaa ku gacan-saydhay sharcinnimada Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo ay Xildhibaanno Golahaas ka tirsani u gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiye ku-xigeenka  koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay inaanu awood u lahayn in Guddoomiyuhu keligii qabto Mooshinkan Xildhibaannadu u gudbiyeen ee Madaxweynaha ka dhanka ah.

Xildhibaannada Mooshinka ka gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxay ku eedeeyeen in Madaxweyne Farmaajo ku kacay Khiyaano Qaran iyo inuu dhaxal-wareejiyo Dalka Soomaaliya, inuu isku wadi kari waayey dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka oo khilaaf xooggani ka dhex-taagan yahay, Heshiisyo Qarannimada ka dhan ahna la soo galay dowlado shisheeye, sidaa daraaddeedna ay u arkeen inuu Farmaajo ka fududyahay Qarannimada Soomaaliya oo ay Mooshinka ay ku dalbanayaan in codka kalsoonida loo qaado sidaa ugu gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Mursal

Hase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Mudane Muuday, ayaa sheegay inaanu Guddoomiyaha Baarlamaanku qaban karin Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, sababta oo ah waxa uu tilmaamay inaanay jirin Maxkamad Dastuuri ah oo Madaxweynaha dembi ku oogtay. Waxa uu ku dooday inaanay iyaga oo ah Guddoomiyaha koowaad iyo labaad waxba kala socon mooshinka uu qabtay Guddoomiyahoodu.

“Mooshinka waa mid aan waxba ka jirin, waxaana guddoomiyaha ka keennay inuu qabto xanaaq ayaan oran karaa … waxaan u sheegaya inan dalkan lagu maamulli karin xanaaq. Waxaan ka warsugeynaa halka la geyn doono mooshinka.” sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Muuday

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa ku tilmaamay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo inuu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn, sida uu ku dooday.

Tallaabadan ay durba iskaga horyimaaddeen Shir-guddoonka Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa u muuqda khilaaf hor leh oo mar kale ka dhex-qarxay Guddoomiyaha, Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadda Khayre, halka ay u muuqdaan inay Ku-xigeennadu la safan yihiin Madaxweynaha, waxaanu ku soo beegmay wakhti bilo ka dib ah markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, ka dib markii ay Xukuumaddu dagaal ku qaadday, isla markaana u adeegsatay labada Guddoomiye ku-xigeen iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka in badan oo ka mid ah. Waxa sidoo kale wakhtigan jira khilaaf u dhexeeya dawladda Federaalka ah iyo Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda, lamana garanayo meel uu khilaafkani ku dambayn doono.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.