Dood ka dhalatay Aabbe Gabadhiisa ku Qasbay inay Lugayso 8 Kiilo-mitir iyo Sababta Ku Kelliftay

AABBE MARAYKAN AH OO GABADHIISA KU GANAAXAY INAY 8 KIILOMITIR OO DHAXAN AH LUGAYSO 2018
AABBE MARAYKAN AH OO GABADHIISA KU GANAAXAY INAY 8 KIILOMITIR OO DHAXAN AH LUGAYSO 2018

Ohio(Aftahannews):- Dood adag, ayaa ka dhalatay go’aan uu gabadh uu dhalay ku ganaaxay Aabbe ka soo jeeda gobolka Ohio ee dalka Mareykanka oo la yidhaahdo Matt Cox, kaasoo gabadhiisa ku qasbay inay Dugsigeeda waxbarasho u lugeyso masaafe dhan 8 kiiloo mitir, si uu ugu ciqaabo dhibaato ay Ardayda Baska iskuulku wada qaado kula kacday marar kala duwan.

AABBE MARAYKAN AH OO GABADHIISA KU GANAAXAY INAY 8 KIILOMITIR OO DHAXAN AH LUGAYSO 2018
AABBE MARAYKAN AH OO GABADHIISA KU GANAAXAY INAY 8 KIILOMITIR OO DHAXAN AH LUGAYSO 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warbixintan oo lagu baahiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC oo aannu ka soo xigannay, ayaa sii socotay, waxaana lagu sheegay in ka dib markii gabadhiisa 10 sano jir ah oo lagu magacaabo Kirsten muddo saddex maalmood ah looga mamnuucay gaariga iskuulka sababo la xiriira dhibaato ay markii labaad u geysatay ardayda la raacda gaariga, ayuu aabeheed Matt Cox go’aan ku gaaray inuu siiyo cashir aysan illoobi doonin nolosheeda.

Wuxuu ku khasbay iney maalin qabow jiro u lugeyso iskuulka oo aad uga fog, isagoo gadaasheeda socday xilli uu gaari watay. Muuqaal laga arki karo arrintan ciqaabta ah ayaa barta xiriirka bulshada ee facebook lagu fiirsaday in ka badan 15 malyan oo jeer waxaana hadallo faallo ah laga bixiyay kumannaan jeer oo kale.

Waxaa la arkayay gabadha yar oo socota waddada dhineceeda, iyadoo boorsada iskuulkana ay dhabarka u saarneyd. Heer kulka hawada oo aad u qaboobaa ayaa markaas marayay 2C oo kaliya. Mr Cox oo si aayar ah gaari ula daba socday gabadhiisa ayaa ku canaananayay hadallo ku saabsan dhibaateynta carruurta iskuulka.

“In carruurta lagu dhibaateeyo iskuulka ma aha wax la aqbali karo, habkan waa midka aan ku doonayo inaan qoyskeyga uga gooyo dhaqanka noocaas ah” ayaa ka mid ahaa hadalladiisa. Waxaanu intaas ku sii ladhay oo yidhi; “Waan ogahay in waalidiin fara badan oo idinka mid ah aysan tallaabadeyda ku farxi doonin laakiin dhib ma laha.”

Qoraal uu maalintii Arbacada ahayd bartiisa facebook soo dhigay Mr Cox ayuu ku sheegay in gabadhiisa ay qalbiga ku qaadatay hadalladiisa. Gabadha 10 jirka ah oo la hadleysay warbaahinta WTVG ayaa sheegtay in iyada qudheeda lagu soo dhibi jiray iskuulka haddana ay naxariis yeelatay.

Inta badan 63,000 qoraal oo ay dadka uga fal celiyeen muuqaalkiisa, waxay intooda badan taageerayeen tallaabadiisa waxayna uga mahad celinayeen sida ay u fiicantahay waalidnimadiisa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.conm

Hargeysa/Somaliland.