Guddiga diiwaan gelinta oo ka hadlay mooshinka Xisbiyada ku saabsan ee Guurtida loo gudbiyay

Hargeysa (Aftahannews)- Afhayeenka Guddida Diwaangelinta Ururadda iyo Anxisixinta Xisbiyada Qaranka Xasan Axmed Ducaale(Xasan Macalin), ayaa ka hadlay mooshinka ay walaaca ka muujiyeen Xisbiyada Mucaaradku ee loo gudbiyay golaha guurtida.

Afhayeenka Guddida Diwaangelinta Ururadda iyo Anxisixinta Xisbiyada Qaranka Xasan Axmed Ducaale(Xasan Macalin), oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey mooshinkan,ayaa ugu horeyn yidhi “Guurtiduna way soo jeedin kartaa, Wakiiladuna way soo jeedin karaan, in Xeerkan wax laga bedelo, labada Golebana xaq bay u leeyihiin, 12 xubnood oo Guurtidiya, 12 xubnood oo Wakiilada ah iyo in ka badan baa soo jeedin kara, dadweynaha ilaa toban kun oo qof oo cod bixiyayaal ah baa soo jeedin kara, wax kale oo dhibaato ah ma leh, Xeer wax laga bedelayo ayuun buu la mid yahay”.

Mar aanu wax ka weydiinay inay Xukuumaddu awood u leedahay inay Xeerkan Ururadda Siyaasada mooshin ka dhan ah Golayaasha u soo gudbiso ayaa ku jawaabay“In Xeer walba wax laga bedelo, waa caadi Xukuumadduna wey soo jeedin kartaa, weyna keeni kartaa Xeerar, oo iyada ayaaba curisa, xaqna u leh, Golayaashuna waxay xaq u leeyihiin inay mooshin keenaan, oo ay mooshinkaas ku keenaan ilaa 11 xubnood iyo in ka badanba, dadweynuhuna xaq buu u leeyahay inay soo jeediyeen”.

Mar aanu wax ka weydiinay walaaca ay Xisbiyada Mucaaradka ka muujiyeen Xeerkan ayaa ku jawaabay“Way kala duwan yihiin waxaasi Sharci maaha, oo way khaldan yihiin iyo ma haboona, Xeerkan Ururada Siyaasaduna, Xeerarka kale ee dalka ayuu la mid yahay, Dastuurkuna waa gaar oo qaab baa loo soo jeediya, si wax looga bedelo, Xeerarkana qaab baa loo soo jeediya, si wax looga bedelo ayuu leeyahay, qaabkaasina waa qaab waafaqsan sharciga, laakiin qaabkaasi ma haboon tahay mise ma haboona waa sheeko kale, oo doodeeda ayey leedahay, laakiin xilligan aynu ka jirno ma haboon tahay in Xeerkan la soo jeediyo, waa dood kale, waxaa laga yaaba inay dadku ku kala aragti duwanaadan, laakiin waa Xeer, Sharciyana Xeerka waxbaa laga bedeli kara”.

 

Source: Geeska