Itoobiya oo markii u horeysay shidaal dibedda u dhoofineysa

Addis Ababa (Aftahannews)- Wasaaradda Macdanta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ee Itoobiya ayaa sheegtay soo saarista Shidaalka Deegaanka Soomaalida laga helay in lagu soo gabagabeeynayo saddex sano.

Agaasinka waaxda maamulka shidaalka ee wasaaradda Qasala Tadese ayaa sheegtay iney jiraan marxalado dhowr ah oo ka horreeya oo uu shidaalka soo saaristiisu marayo inta aan la isticmaalin ka hor.

Waxayna intaa ku dartay “in la qodayo boqollaal ceel oo kale isla-markaana la fulinayo mashaariic waaweyn oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah oo fududeynaya shidaalka in muddada loogu tala galay dalku uu ku soo saaro.”

Sida oo kale deegaanka Soomaalida shidaalka laga helay oo keli ah iyada oo aan lagu ekaaneyn waxaa sida oo kale baadhid iyo soo saaridba laga sameeynayaa qaybaha kale ee dalka ee shidaalka laga helay.

Waxayna wasaaradda macdanta Bishii June ee Sanadkan shaaca ka qaadday in keyd shidaal oo aad u badan laga helay Deegaanka Soomaalida ee ku yaalla bariga dalka Itoobiya.

Ilaa iyo hadda waxaa shidaal laga helay shan qaybood oo dalka Itoobiya ka mid ah sida Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella balse waxaa markii ugu horreysay shidaal laga soo saaray Deegaanka Soomaalida qaybo ka mid ah tijaabadi la sameeyeyna lagu guuleystay.

Ceelasha la tijaabiyey halkay ku yaallaan?

Ceelasha shidaalka ee la daahfuray ayaa waxa ay ku yaallaan deegaannada Kaali iyo Ilaalo oo ka tirsan deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya.

Xafladda furitaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynihi hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka macdanta ee dowladda fedaraalka Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana ayaa mar sii horreysay ka soo xigatay Raii’sal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkana maalintii la soo saari doono 450 foosto oo shidaal ah.

Shidaalka goobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Shidaalka ceydhiin ee goobtaasi laga helo ayaa waxa lagu wadaa in loo safriyo magaalada Addis Ababa iyo qaybaha kale ee dalka Itoobiya si gudaha loogu sifeeyo inta lagu guda jiray tijaabada.

“Waxaa muhiimka ah ayaa waxa uu yahay qaabka uu wadanka u isticmaalayo kheyraadka.

“Waa qasab in aan isku raacno in si xaq iyo sinaan ah loo qaybsado kheyraadka,” ayuu yidhi Raii’sal wasaare Abiy.

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa intaa ku daray in kheyraadka la helay uusan noqon mid horseeda khilaaf iyo dagaal sida ka dhacday dalalka qaar.

“Mararka qaar kheyraadka ayaa horseeda dagaal sida ka dhacday dalalka kale,” ayuu yidhi Dr Abiy.

Itoobiya goormey shidaal dhoofinta billaabeysaa?

Dhoofinta shidaalka ayaa lagu wadaa in ay bilaabato sanadda 2021.

Shidaalkani ayaa waxaa lagu wadaa in uu sanooyiinka ugu horeeya ka soo galo dalka Itoobiya dhaqaale dhan 1.2 bilyan oo doolar.

Balse dhaqaalaha ka so baxa ayaa si tartiibtartiib ah u kordhi doona waxaana lagu wadaa in uu gaadho 7 bilyan oo doolar.
Khuburada ayaa sheegaya in khayraadkan dabiiciga ah haddii si xaq ah oo wanaagsan loo isticmaalo uu gacan ka gaysan doono in lacagta Itoobiya uu qiimaheedu sare u kaco islamarkana uu dhaqaalaha dalkaasi si xawli ah u kobco.

Waxaa sidoo kale shidaalkan laga helay dhulka Soomaalida Itoobiya uu gacan ka gaysan karaa in dadka ay helaan fursado shaqo.

Waxaa jira cabsi dhanka ammaanka ah maadaama hore injineero shidaal qodis ka waday deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu laayay halkaasi.

2007 ayay ahayd markii 11 injineer oo u dhashay dalka Shiinaha iyo 74 qof oo ah dadka u dhashay dalkaasi ay jabhadda ONLF ku dileen halkaasi.
Balse gobolka ayaa imika la sheegay in uu ammaan uu yahay.

Ibraahim Sheekh Muxumed, {Ibraahim Dheere} oo hore madax uga ahaa ururukii UWSLF, ee xorenta Soomaali galbeed oo Itoobiya hore ula heshiiyay ayaa sheegay in ay tahay fursad aad u fiican oo ay dadka deegaankaasi sugayeen muddo qarni ka badan.

Mr Ibraahim ayaa intaa ku daray in caqabadaha ka hor imaan kara arrintani ay ka mid tahay arrinta amniga ayna tahay in arrintaasi la xaliyo.

Waxa uu sheegay in sanooyiin ka hor weerar lagu qaaday goob shidaal laga qodayay oo deegaanka ka tirsan lagu laayay injineero islamarkana ay tahay in arrintaasi la xaliyo si kalsoonida shirkadaha loo kasbado.

“Waxaan ogsoonahay in mar hore rag injineero ah oo shiineysa ah lagu laayay oo jabhadihii dagaalamayay ay laayeen marka taasi waxay u baahan tahay in la xaliyo oo jabhadaasi ONLF lala hadlo oo lala heshiiyo si degdeg ahna kiiskaasi loo dhameey”.ayuu yidhi.

 

Source: BBC SOMALI