Priyanka Chopra: Atariisho caan ah oo dhigtay aroos mar la arag ah

Xiddigta caanka ah ee ka tirsan aflaanta Bollywood-ka ayaa la aqal gashay heesaa caan ah oo u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Nick Jonas.

Arooskan taariikhiga ah ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Rajasthan ee dalka Hindiya dhamaadkii todobaadkii tagay.

Taashka ama dharka arooska ee loo xidhay atiriishadan ayaa waxa lagu baahiyey barta Instagram-ka.

Naqshadaynta dharka arooska ee loo xidhay ayaa soo jiitay dadkii ka soo qaybgalay xaflada arooska.

Jonas iyo Chopra ayaa meherkooda waxa uu dhacay xagaagii la soo dhaafay ee sanadkan.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa aragtiya kala duwan ka dhiibtay habka loo sameeyey taashkan, kaas oo aad dheeraa.

Dadka qaar ayaa soo dhiibanayey fikrado isbarbardhig ah. Arooskan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay dhaqanka Hinduuga.

Jonas, waa 26 sano jir, halka xaaskiisa Chopra, ay tahay 36 sano jir, ayaa is mehersaday xagaagii la soo dhaafay, kaddib markii ay shaaciyeen xidhiidhkooda.

Chopra, waxa ay ka mid tahay atiriishooyinka ugu mushaarka badan ee Aflaanta Bollywood-ka, Priyanka ayaa sanadkii 2000 ku guulaysatay abaalmarinta quruxda ee adduunka. Waxa ayna sidoo kale jishay filimaan Mareykan ah.

 

Source: BBC SOMALI