Biyo qulqulaya oo dumiyay qaar ka mid ah guryaha Magaalada Boorama

Borama (Aftahannews)- Bulshada ku nool bariga magaalada Boorama ayaa walaac ka muujiyay biyo dhulka ka soo baxaya oo noqday durdur magaalada dhex socda.

Guryo badan ayaa ilaa hal miitir hoosta ka qoyay oo dadkii lahaa ay ka cabsi qabaan inay ku dumaan. Magaaladan oo hore loogu yaqaannay dhulgariir ka soo bilaamba buurta SAW ayay biyahani shaki kale ku sii biiriyeen.

Ilaa imikana lama garanayo sababta keentay iyo halka ay ka imanayaan biyahan, balse Maxamed Cumar Dhimbiil oo ah isu duwaha wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland ee gobolka Awdal ayaa aaminsan in biyahani ay yihiin kuwo ka yimid musqulaha.

Biyaha oo aan lahayn ur iyo midab lagu garan karo inay musqulaha ka yimaadeen, ayuu Maxamed sheegay in maaddaama ay dhulka hoostiisa soo mareen aysan lahayn qaab lagu garto.

“Maaddaama qaabka nolosha bulshadu ay is beddeshay, waxaa kordhay biyaha la isticmaalayo, 4500 cabbirka biyaha ee cubic metre oo maalin walba la soo bambeynayo biyo yar maaha,” ayuu yidhi.

Dadka cabsida qaba waxaa ka mid ah Carab Muuse Cumar oo ku nool magaalada Boorama, wuxuu BBC-da u sheegay in gurigiisa uu qayb ka dumay, isla markaana uu hadda ka baqayo in qaybaha kale ay dumaan.

Wuxuu intaas ku daray in maamulka magaalada ay kala hadleen arrintaasi, balse weli aanan waxba laga qaban.
Maxamed Cumar ayaa sheegay in wasaaraddooda ay dooneyso inay jawaab degdeg ah ka bixiso biyahaas magaalada saameeyay, inta ka horreysana aysan dadku walwalin.

“Dad an aqoon u lahayn biyaha ayaa sheegaya in magaalada Boorama ay go`i doonto oo ay bad ka dillaaci doonto, taas ma aha wax jira, waxaana ugu baaqi lahaa dadka inay cabsida iska daayaan.” Ayuu yidhi.

Magaalada Boorama waxaa in muddo ahba ka jirtay biyo yaraan ay dadku ka cabanayeen, hase yeeshee roobkii sanadkan da`ay ayuu Maxamed Cumar sheegay inuu ka badnaa kuwii sanadihii la soo dhaafay da`ay.

Waa sidee baaxadda biyaha?
Maxamed Cumar ayaa baaxadda biyaha ku tilmaamay inaysan ahayn mid weyn oo cabsi abuuri karta.

Magaalada Boorama waa magalo aan jilicsaneyn oo buuralley ah oo u adkeysan karta daadadka, sida uu qabo Maxamed Cumar. Wuxuu sheegay in Boorama ay tahay magaalo aad u kala sarreysa oo aan looga baqeyn inuu dhulku go`o.

Maxamed ayaa ku talinaya in la sameeyo meel ay maraan biyaha musqulaha, si aysan uga dhalan caafimaad darro.

 

Source: BBC SOMALI