Wiil 7 jir ah oo $22 milyan ka sameeya Youtube-ka

Wiil 7 sanno jir ah oo ka faalooda qalabka ay carruurta ku ciyaaraan ayaa la sheegay in uu noqday qofka lacagta ugu badan ka sameeya shabakadda Youtube.

Sida ay qortay majalladda Forbes ee looga hadlo hodantinimada adduunka ayaa lagu sheegay in sannadkii wiilkan yar uu sameeyo $22 milyan doolar, lacagtan oo aysan ku jirin cashuurtii laga qaadi lahaa iyo qarashaadkii kale.

Wiilkan yar oo magaciisu yahay Ryan ayaa waxa uu ka sare maray dadka Youtube-ka caanka ka ahaa sida ninka lagu magacaabo Jake Paul, kaas oo uu ka sareeyay lacag dhan nus malyuun doolar.

Waxaa kaalinta seddexaad soo galay Dude Perfect, isaga oo hela lacag dhan $20 milyan doolar.

Mar taleefishinka NBC uu Ryan weeydiiyay sababta kanaalkiisa ay caruurta u jecelyihiin ayaa waxa uu yidhi “Waan madadaaliyaa, waanan u majaajileeyaa”.

Waxa uu kanaalkan furey sannadkii 2015-kii, muuqaalada qaarna waxaaba la daawaday 26 milyan oo jeer, waxaana ku xidhan 17.3 milyan oo qof. Lacagta waxaa laga sameeyaa xayaysiinada soo muuqda marka uu muuqaalka bilaabanayo.

Qalabka ay carruurta ku ciyaaraan ee kusoo baxa kanaalka Ryan ayaa la sheegay in markiiba la wada iibsado.

Bishii August, shirkadda Walmart ayaa soo saartay qalab gaar ah oo lagu xardhay magaca Ryan.

Maadaamaa uu weli ilmo yahay, 15% ka mid lacagta uu sameeyo ayaa lagu xareeyaa sanduuq bangi gaar ah, wuxuuna isticmaali karaa marka uu qaangaadho.

 

Source: BBC SOMALI