Dadweynaha Nairobi oo maanta lugeynaya

Nairobi (Aftahannews)- Kumanaan shacab ah ayaa maanta ku lugeynayay waddooyinka gala bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaddib markii gawaadhida dadweynaha laga mamnuucay inay ka howlgalaan faras-magaalaha Nairobi.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii maamulka magaalada uu shaaca ka qaaday in gawaadhida dadweynaha aysan rakaabka dhigi karin bartahama caasimadda isla markaasna ay dhigaan goob loo asteeyay oo ka baxsan faras-magaalaha.

Dowladda hoose waxay sheegtay in tallaabadan ay uga golleedahay yaraynta saxmadda ka jirta magaalada oo ay ka howlgalaan in ka badan 20,000 oo ah gawaadhida dadweynaha.

Dadka kasoo horjeeda tallaabadan ayaa ku anddacoonaya in goobaha loogu talagalay gawaadhida dadweynaha aysan qaadin karin baaburta faraha badan.

Source; BBC SOMALI