Weedha Qoraa Khalid Jaamac Qodax: Buugga Quraanka iyo Sayniska

KHAALID JAAMAC QODAX
KHAALID JAAMAC QODAX

Khaalid Jaamac Qodax waxa aan bartay isaga oo dhigta Jaamacadda Hargeysa oo uu ka qalin-jebiyay sannadkii 2008da. Markii uu waxbarashada dhammeeyay waxa uu ka shaqayn jiray xarumo ay ka mid yihiin Shirkaddii TELECOM iyo ururrada bulshada.

KHAALID JAAMAC QODAX
KHAALID JAAMAC QODAX

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sannadkii 2009ka ayaa la soo bandhigay diiwaanka Riyaaq oo ay sheeko carruureed ku ururiyeen Abwaan Axmed Aw Geeddi Maxamuud iyo Qoraa Xasan Cabdi Madar. Dadkii akhriyay waxa ka mid ahaa Khaalid Jaamac Qodax oo markaas ka tirsanaa Naadiga Akhristeyaasha Hargeysa oo aan u aqaanno Hormoodkii Naadiyada Akhriska Somaliland.

Khaalid waxa uu buuggaas ka yidhi erey tilmaan ah, kaddibna waxa uu diiday in magaca qoraa loogu yeedho, waxaana taas awgeed loogu qoray “Akhriste ku xeeldheer akhriska buugaagta”. Maanta se waxa aan leeyahay Khaalid waa “qoraa ku xeeldheer gorfaynta buugaagta”.

Xilliyadii uu Khaalid Jaamac Qodax waday qoraalka Baadisooc: suugaan-dhiganaha Axmed Aw Geeddi ayaa uu ii soo bandhigay in aan laba cisho ku akhriyo, toosiyana wixii aan qallooc ku jira diiwaan markaas ahaa ku dhawaad 200 bog. Markii aan ka qaaday xilli caweys ah waxa aan illaa 11:00kii habeennimo akhriyay toddobaatan bog, subaxnimadii dambe oo aan shaqada ka fasax ahaana waxa aan akhriyay toddobaatan kale, duhurnimadiina guriga ayaan lixdan bog ku akhriyay. Diiwaankii waxa aan guddoonsiiyay 04:00 galabnimo aniga oo ku akhriyay wax ka yar 24 saacadood.

Sannadkii 2010ka ayuu Khaalid Jaamac Qodax mar kale ii dhiibay diiwaanka Diihaal-reeb. Aniga oo mashquul ku ahaa shaqada macallinnimada oo aan labada gelinba wax dhigi jiray, waxa aan u sheegay in uu iga soo doono habeen ay Sabti soo gelaysay. Markaas waxa aan akhriyayba hadda 25 bog. Subaxnimadii, duhurnimadii iyo galabnimadii Jimcaha ayaan baaqigii si mug leh u dhuuxay.

Marka laga yimaaddo kuwaas, waxa uu Khaalid Jaamac Qodax akhriyay diiwaannadayda Culuumta Maansada, Quraanka iyo Sayniska iyo Hal-diiq (Suugaanta Gaaxnuug), weliba waxa dheer in uu tifatiray Silsilad-maanseedka Aliflay oo aanu aniga, Axmed Aw Geeddi iyo Qoraa Maxamed Xirsi Guuleed ka wada hawl-galnay.

Weedha uu Khaalid Jaamac Qodax ee buugga Quraanka iyo Sayniska ayaa u dhignayd sidan:

“Buugaagta suugaanta, kuwa sheekooyinka, kuwa sooyaalka waxa ay yihiin kuwa aad u soo badanaaya wakhtiyadan dambe, waxase dhif iyo nadir ah buugaagta aqoonta iyo cilmiga laga faa’iideysanaayo in ay qorayaasha Soomaalidu qoraan. Waxa uu qoraha buuggani u badheedhey bad weyn dihin oo isaga ka hor aan hore loo eeginba.

Buugga Quraanka iyo Sayniska “Masalooyinka uu Sayniska Casirga Ahi Ku Waafaqay Quraanka” waa dhigane aad ka baran karto inta uu leeg yahay in ka badan. Waxa aan nasiib u helay aan dhiggey u helin inaan akhriyo daabacadda ka hor buuggaasi. Nuxurka fidsan ee buuggu waxa uu ku barayaa casharro faa’iido u leh nolosha qofku inuu ogaado.

Kala fogaanshaha aqooneed ee dunidu maanta mareyso waxa uu soo bilaabmey wakhtiyo aad u fog, haddiise aad buuggan akhrido waxa uu ku barayaa in Aqoonyahankii Islaamku ay hormood u ahaayeen noloshan casriga ah. Quraanku masalooyin uu 1400 sanno ka hor uu si fiican u sharraxay ayaa maanta ay ogaadeen aqoonyahanka reer galbeed. Waxa aan dhiganahan Siciid Maxamuud Gaheyr uu inoo qorey leeyahay hambalyo, waxaanad muujisey runtii dedaal aan hore loo sameyn.

Khaalid Jaamac Qodax

Qoraha buugagga Diihaal-reeb iyo Baadi-sooc.