Somaliland: Komishanka Doorashooyinka iyo Dhibta uu horseedi karo – W/Q: Maxamed Cismaan

MAXAMED CISMAAN XAAJI
MAXAMED CISMAAN XAAJI

Sidaynu ognahay Komishinka doorashooyinka Qaranka Somaliland waxay ku dhawaqeen inaanay qabsoomaynin doorashada  golayaasha degaanka iyo wakiilladu waqtigii loogu tala galay ee 29-ka bisha 3-aad ee 2019-ka.

MAXAMED CISMAAN XAAJI
MAXAMED CISMAAN XAAJI

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Haddaba, waxaa is waydiin mudan cidda mas’uuliyada iska leh dib u dhaca doorashada jamhuuriyada Somaliland. Bulshada ka faaloota arimaha siyaasada Somaliland waxay eeda ugu wayn ee dib u dhaca doorashada jamhuuriyada Somaliland saarayaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo ah kan looga fadhiyo inuu dalka ka hirgaliyo doorasho.

XUBNAHA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALLILAND 2018
XUBNAHA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALLILAND 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidaynu ogsoonahay Xisbiga ugu aqlabiyada badan dhinaca mucaaradka, ayaa ka biya diiday sanadkan awalkisii komishinka doorashooyinka qaranka, waxayna soo jeediyeen in labadalo komishinka doorashooyinka qaranka, balse arinka waxaa ka hor yimid madaxweyne muuse, isagoona sheegay badalka la badala komishinka waxay carqalad ku keenaysaa doorashadii madaxtooyada ee ina soo dhaaftay.

Dulucda qoraalkaygan wuxuu yahay isku dhajintan uu madaxweyne muuse isku dhajinayo sii joogista komishinka doorashooyinka qaranka waxay horseedi kartaa inay soo fara galiyaan dowladaha daneeya doorashooyinka Somaliland.

Komishinka doorashooyinka qaranka waxaa ka dhalan kara isku dhajinta kuraasta ay ku fadhiyaan shaki, shakigasoo la oron karo ma waxaa jirta data ay hayaan, tasoo u sahli karta xisbiga kulmiye inay helaan kuraasta ugu badan golayaasha qaranka,

hadaysan jirin wax u qarsoon mas’uuliyinta komishinka doorashooyinka qaranka, waxaa haboon in ay baneyaan kuraasta ay ku fadhiyaan, si loo helo mas’uuliyin cusub, leh aqoon iyo karti ay ku qaban karaan doorashoyinka golayaasha qaranka.

Gunti iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan madaxweyne muuse waxaan ugu baaqayaa inuu u hogaansamo xisbiga ugu aqlabiyada badan dhinaca mucaaradka soo jeedintiisa, si loo helo komishin doorasho lagu kalsoonankaro. Dalkan bulshadiisa waxay diyaar u yihin inay doortaan golayaal qaran, kuwasoo la jaan qadaya xaalada ka taagan Somaliland.

Maxamed Cismaan Xaaji

awaadan5@gmail.com

Ujeeddada iyo Dulucda Qoraalkani kama turjumayso Aragtida Bahda Warbaahinta Aftahannews, hase-yeeshee, xurmo, xishmayn iyo saamayn kasta oo taban ama togan oo uu leeyahay waxay gaar u tahay oo ka masuul ah qoraaga Maqaalkan ee magiciisu ku qoran yahay dhammaadka qormada. Balse keliya Masuuliyadda Aftahan waa in ay gubbiso aragtida macquulka ah ee qoraaga si aynu u dhiirrigelinno doodaha, fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay qaybaha Bulshada iyo Qalin-maalku is-weydaarsanayaan, kuana cabbirayaan hadba marxaladda taagan iyo waxay dareemayaan, sida ay dammaanad qaadayaan Dastuurka dalka iyo Xeerarka caalamiga ah ee xorriyadda cabbirka fikirka.