Guriga Jacaylka ee Taj Mahal oo halis ugu jira inuu burburo

India(Aftahannews)- Taj Mahal waa dhismaha ugu caansan dalka Hindiya, wuxuuna sannad walba soo jiitaa malaayiin ruux oo dalxiiseyaal ah, laakiin dayac tir la’aan iyo wasakh wuxuu halis ugu jiraa inuu burburo.

Shamshuddin Khan wuxuu dadka dalxiiseyaasha ah dhismahan ku dhex wareejinayay oo uu kala tusayay muddo 30 sano ah.

Intii lagu guda jiray wakhtigaas wuxuu hage dalxiise u soo noqday in ka badan 50 hogaamiye oo ka kala socday caalamka.

Madaxdii ugu dambeysay ee dhismaha Taj Mahal uu ku dhex wareejiyay waxaa ka mid ah madaxweynaha Sri Lanka iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil.

Mr Khan wuxuu sheegay in Muddadii 30-ka sano ahayd ee uu howshaas waday ay timihiisa marba marka ka dambeysa sii caddaanayeen, laakiin dhismaha Taj Mahal isagu uu sii madoobaanayay.

Markii la galo gudaha, Khan wuxuu farta ku fiiqaa meelo uu ka dil dillaacay dhismaha iyo sidoo kale gabowga ka muuqda.

“Mararka qaar ceeb ayaan dareemaa markii ay dalxiiseyaasha ajaanibta ah i weydiiyaan sababta loo dayac tiri la’yahay Taj Mahal. Waxay sidoo kale i weydiiyaan sababta uu uga sii dhamaanayo dhaldhalaalkii uu lahaan jiray. Annagu haddii aan nahay dadka dalxiiseyaasha haga, su’aalahan wax jawaab ah uma heyno”.

Taj Mahal waxaa magaalada Agra laga dhisay qarnigii 17-aad, waxaana dhisay boqortooyadii Suldaan Shah Jahan. Wuxuu ahaa xasuus uu ugu tala galay boqoraddii uu xaasaskiisa ugu jeclaa ee lagu magacaabi jiray Mumtaz Mahal, oo geeriyootay xilli ay foolaneysay cunugoodii 14aad.

 

 

 

 

 

 

Bartamaha Taj mahal gudihiisa ayuu ku yaallaa qabriga Mumtaz Mahal.

Boqortooyada ayaa dhismaha Taj Mahal u adeegsatay dhagaxa nooca afka qalaad lagu yiraahdo marble oo la sheegay in laga soo qaaday gobolka Rajasthan, isla markaana uu ahaa mid aan horay dhismeyaasha loogu isticmaalin.

Dhagaxaasi wuxuu subaxda hore noociisu u egyahay midabka basaliga, galabtii wuxuu u ekaadaa midabka cad, halka maqribadiina uu isku baddalo midabka caanaha.

Rabindranath Tagore oo ka mid ah abwaaniinta ugu caansan dalka Hindiya ayaa dhismaha Taj Mahal ku qeexay taariikh xanuun badan oo wakhtiga uu xusayo.

Sannadkii 1992-kii, Princess Diana ayaa sawir caan baxay ku soo gashay Taj mahal, waxayna iyadoo kaligeed ah isku sawirtay Taj Mahal hortiisa.

Xilliga ay Diana sawirkaas galeysay wuxuu ahaa dhowr bilood ka hor intii aan la shaacinin inuu go’ay xiriirkii jacayl ee ka dhexeeyay iyada iyo Prince Charles, oo ah dhaxal sugaha boqortooyada Ingiriiska.

Princess Diana waxay noqotay qofkii ugu caansanaa ee Taj Mahal booqday waqtiga casriga ah.

Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska ee Hindiya ayaa sheegtay in tiro u dhaxeysa 4 ilaa 6 malyan oo dalxiiseyaal ah ay booqdeen Taj Mahal shanti sano ee ka horreysay 2015-kii.

Qulqulka dalxiiseyaasha bartilmaameedsada dhismahan ayaa billowda bisha Oktoober, wuxuuna socdaa ilaa bisha Maarso.

Hase ahaatee, Taj Mahal wuxuu hadda luminayaa dhaldhalaalkiisa. Tiirashiisa aasaaska u ah hadda way sii daciifayaan, dildillaaca darbiyadiisa wey sii weynaanaanayaan, taasoo halis ka dhigeysa inuu dumo dhismahan caanka ah ee calaamadda u ah jacaylka.

Qeybaha sare ee dhismaha ayaa la sheegayaa iney hadda qarka u saaranyihiin iney burburaan.

Dabeylo xooggan oo dhacayay horraantii sannadkan ayaa sababay in labo ka mid ah tiirashiisa bannaanka hore ay dhulka ku darsameen.

Bishii luulyo, nin caan ah oo u dooda xuquuqda deegaanka oo lagu magacaabo MC Mehta ayaa maxkamadda ugu sarreysa Hindiya u gudbiyay dacwad uu ku doonayo in la sameeyo dadaallo lagu badbaadinayo dhismaha Taj Mahal.

Dhammaan garsooreyaasha maxkamadda ayaa u garaabay kiiskaas waxayna sheegeen in si joogto ah loo dhageysan doono isla markaana lala xiriirayo dhammaan dadka ay quseyso dayac tirka dhismahaasi.

Iyadoo dad yar uun ay rajeynayaan inuu dumo Taj Mahal, Maxkamadda ugu sarreysa ayaa muujineysa in ay su’aal dhab ah ka taagantahay mustaqbalka Taj Mahal.

Xigasho: BBCSomali.com.