Abaal marinta BBC ee ciyaaryahanka sannadka Africa: Waa kuma Medhi Benatia?

Kabtanka xulka qaranka Morocco Medhi Benatia, oo 31 jir ah, wuxuu dadaalkiisa dhinaca ciyaaraha ku gaadhay inuu noqdo mid ka mid ah daafacyada loogu kalsoonida badanyahay ee qaaradda Yurub sannadihii dambe, isagoo u ciyaaray qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ee ka dhisan qaaraddaas.

Balse doorka udub dhexaadnimada ah ee uu uga jiro difaacyada kooxda Juventus ee sannadkan 2018-ka ayaa u suurta galiyay in markii ugu horreysay uu helo fursad uu ugu guuleysan karo abaalmarinta BBC-da ee ciyaaryahanka sannadka ee Africa.

.

Benatia oo ah difaac dhexda dambe ah oo la isku hubo, awood iyo caafimaadna leh, wuxuu kooxdiisa Juventus ka caawiyay iney ku guuleysato horyaalka Serie A ee dalka talyaaniga, sannadkii toddobaad oo isku xiga, halka ay sidoo kalena ku guleysteen tartanka Coppa Italia ayna heerka afar dhammaadka ka gaadheen koobka horyaallada yurub ee Champions League.

Wuxuu sidoo kale sannadkan waddankiisa Morocco u hoggaamiyay iney markii ugu horreysay ka soo muuqdaan tartanka koobka adduunka, tan iyo sannadkii 1998-kii, inkastoo lagu reebay heerka guruubyada.

Cristiano Ronaldo oo ay iskala wada ciyaaraan kooxda Juventus ayaa yidhi “Waa ciyaaryahan aad iyo aad u wanaagsan”.