Jabuuti oo War Lama Filaan ah ka Soo Saartay Cunaqabataynta Hubka ee laga Qaaday Dalka Eritrea

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Djibouti(Aftahannews):- Dowladda Jabuuti, ayaa soo dhaweysay go’aanka ay Qaramada Midoobay cunaqabateyntii hubka iyo xayiraadaha kaleba uga qaadday dalka Eritrea, tallaabadan ayaana dadka qaar ku noqotay mid lama filaan ah, maadaama horay ay Jabuuti mowqif adag uga taagneyd arrintaas, kuna talineysay inaan Eritrea laga qaadin cunaqabateyntaas.

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea oo daris ah ayaa in muddo ahba isku mari la’aa muran salka ku haya xuduudda, iyagoo ciidamadooda uu dagaal culus ku dhex maray xudduudda.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedin ku saabsaneyd in Eritrea laga qaado cunaqabateynta dhinacyada, taasoo ay horgeysay dowladda ingiriiska, Mareykankana uu ku taageeray. Wuxuu dhanka kale goluhu ku baaqay in labada dal ay sii wadaan wada xaajoodyada ay ku xallinayaan khilaafaadkooda.

MADAXDA ERITREA ITOOBIYA ETHIOPIA AND SOMALIA
MADAXDA ERITREA ITOOBIYA ETHIOPIA AND SOMALIA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

War murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Jabuuti oo uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa lagu yiri “dowladda Jabuuti waxa ay soo dhaweyneysaa qaraarka Qaramada Midoobay ee uu tirsigiisu yahay 244 ee xallinta khilaafaadkii u dhexeeyay dowladaha Jabuuti iyo Eritrea”.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu qeexay sida ay Jabuuti diyaar ugu tahay xalka “waxaan aqbaleynaa go’aanka lagu fududeynayo wax kasta oo lagu wada hadlayo oo ku aaddan dowladaha Eritrea iyo Jabuuti”.

Waa maxay sababta ay Jabuuti u aqbashay qaadista cuna qabateynta Eritrea? Horraantii bishii Agoosto ayay dowladda Jabuuti si weyn uga carootay baaq uu madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ugu jeediyay qaramada Midoobay inay cunaqabateynta ka qaaddo dalka Eritrea.

Arrintaas ayay Jabuuti qaarkood u aragtay in Somalia ay “la safatay Eritrea”, xilli labada dal ay is hayaan, horayna uu gacan ka hadal u dhex maray.

Sidaas awgeed, hadda iyadoo wali uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya labada waddan ee Jabuuti iyo Eritrea, ee salka ku haya muranka xadka ayaa su’aalo badan la iska weydiinayaa waxa keenay in xukuumadda Jabuuti ay soo dhaweyso go’aanka qaramada Midoobay ay hubka ugu fasaxday waddanka ay is hayaan.

Waxaa la xasuustaa in bishii Juun ee sannadkii 2008-di ay ciidanka labada dal ku dagaallameen deegaanno u dhow xuduudda u dhaxeysa, waxaana murankaooda uu ku saabsan yahay lahaanshaha jasiiradda Dumeyra iyo marinka Baabul Mandab.

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa BBC-da uga warramay waxa xilligan Jabuuti ku kalifay iney aqbasho go’aanka cunaqabateynta looga dul qaaday Eritrea.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa nin runtii fahansan waxa uu rabo inuu helo, waa nin doonaya in xal waara laga gaaro xurgufta kala dhaxeysa Eritrea iyo Itoobiya, waa nin ay ka go’an tahay inuu Dumeyra dib ugu soo celiyo Jabuuti. Marka wuxuu rabaa in xuquuq badan loo oggolaado. Wuxuu doonayaa inuu heshiis buuxa dhex maro Jabuuti iyo Eritrea, ka dibna dib Jabuuti loogu soo celiyo Dumeyra”, ayuu yiri Dr Cabdiwahaab. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tusaale ahaan u soo qaatay is mari waa horay uga dhexeeyay Eritrea iyo Itoobiya.

“Eritrea iyo Itoobiya markey dagaallameen, maxkamadda adduunka waxay go’aamisay in badda dib loogu celiyo Eritrea, dowladda Itoobiyaha way oggolaatay go’aankaas weyna u celisay, isla sidaasoo kale ayuu rabaa madaxweyne Cumar Geelle.” Madaxda labada waddan ayaa la filayaa iney isugu imaadaan miiska wada hadalka, sida ay soo jeedisay Qaramada Midoobay.

Eritrea ayaa tan iyo sannadkii 2009-kii la daalaa dhaceysay cunaqabateyn isugu jirta dhinaca hubka, xayiraad hanti iyo safarrada caalamiga ah. Tallaabada uu golaha ammaanka uga qaaday xayiraadahaas ayaa timid ka dib markii ay heshiis wada gaareen Eritrea iyo Itoobiya.

Xigasho BBCSomali.com.