Maxamed Abuutirika oo xukun lagu riday

Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa xukun hal sano oo xadhiga ah ku riday ciyaaryahan Maxamed Abuutirika ama inuu bixiyo ganaax 1,100 doolar kaddib markii ay maxkamaddu sheegtay inuu ku guuldareysray bixinta cashuurta dalkaasi.

Maxamed Abuutirika oo ah ciyaaryahan hore oo reer Masar ah ayaa ku maqnaa dalka Qatar tan iyo sannadkii 2013-kii, ma uusan joogin maxkamadda markii ay go’aankan soo saareysay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Maxkamadda waxay sheegtay in Maxamed uu ku guuldareystay bixinta cashuur gaadheyso $39,500 kaddib markii uu ganacsi dhexmaray shirkado sannadihii 2008-dii iyo 2009-kii.

Mas’uuliyiinta dalka Masar waxay xayiraad kusoo rogeen hantida Abuutirika sannadkii 2015-kii kaddib markii lagu eedeeyay inuu xidhiidh la lahaa ururka la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin.

Wuxuubeeniyay inuu maalgelin jiray ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Maxamed Abuutirika ayaa dhexda uga ciyaara jiray kooxda kubadda cagta ee Al-Ahly ee ka dhisan Qaaahira, wuxuuna u horseeday xulka qaranka Masar inay ka qayb galaan Koobka Qaramada Afrika sannadihii 2006-dii, 2008-dii iyo 201-kii.

Aboutirika tageerayaashiisa waxay ugu yeedhi jireen ‘Boqorkii qalbiga’ iyo ‘Kii wacdaraha dhigay’.