Faah faahin ku saabsan dagaal u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee ka dhacay Mooyaale

Mooyaale (Aftahannews) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo deegaanka Mooyaale oo ku dhaca xadka kala qeybiya Kenya iyo Itoobiya ku dhaxmaraya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Inta la xaqiijinayo ilaa 10 ruux oo labada ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dagaalka ugu yaraan 15 kalana ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa soconaya maalintii labaad, ilaa iyo hadda ma jirto cid la sheegay in ay kala dhaxgashay labada dhinac ee dagaalamaya, waxaana sidoo kale dagaalkan la sheegay in lagu gubay guryo ay lahaayeen dad rayid ah.

Halkan hoose ka dhagayso faah-faahinta warkan

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.