Akhri: Cidda ka dambeysay weerarkii Abiy Ahmed oo la ogaaday iyo Itoobiya oo war culus ku dhowaaqday

Addis Ababa (Aftahannews)- Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqay in xubno sar sare oo ka tirsan laamaha amaanka ay amreen weerar ka dhan ah ra’iisal wasaaraha dalkaasi, isaga oo sheegay inay xabsiga dhigeen saraakiishaasi islamarkaana baadhitaan lagu sameyn doono.

xeer ilaaliyaha Itoobiya Berhano Tsegaye, ayaa sheegay in cadeymo la helay ay muujinayaan in “Saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda amaanka Qaranka” ay ku wargeliyeen xubno ku qabiil ah ra’iisal wasaare Abiy Axmed kana soo jeeda Oromada inay qorsheeyeen inay weeraraan Ra’iisal wasaaraha Bishii June ee sanadkan.

Xeer Ilaaliyaha ayaa intaasi ku daray in lasoo saaray amar lagu xidhayo 36 sarkaal oo ka mid ah laamaha amaanka oo lagu eedeeyay inay ku xad gudbeen maxaabiis, iyadoo inka badan 30  oo ka tirsan Meletariga la sheegay in lagu hayo dambi ah maamul xumo.

Bishii June Bam gacmeed oo la tuuray ayaa labo qof ku dilay magaalada Addis Ababa, wax yar kadib markii Abiy Axmed uu ka tagay goob uu khudbad ka jeedinayay, waxaana la sheegay in shan qof bishii September loo xiday.

“Cadeymaha aan soo ururinayay waxay muujinayaan in saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda amaanka Qaranka, ay jiheynayeen Oromada inay weerarka fuliyaan, maxaa yeelay waxay ka damacsanaayeen in Ra’iisal wasaaraha oo Oromo ah Oromo ayaa dishay”ayuu yidhi Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Itoobiya

Xeer ilaaliyaha ma aanu shaacin magacyada saraakiisha, sidoo kale si cad looma xaqiijin tirada dadka loo xidhay kiiskaan, laakiin wuxuu sheegay in dad kale oo arintan ku lug leh inay isaga carareen Itoobiya, halka kuwo kalana ay is qarinayaan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.