Agaasimaha baanka dhexe Somaliland oo ka warbixiyay safar uu dalka kaga maqnaa

Hargeysa (Aftahannews)- Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo, ayaa ka warbixiyey Safar uu kaga soo laabtay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Axmed Cawro oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa markii uu safarkaa ka soo laabtay, ayaa sheegay inay Somaliland ku casuumeen Masuuliyiinta Baanan kala duwan oo Afrikaan ah oo ka Xarumo ku leh Jabuuti, isagoo intaas ku daray inay furfurayaan siyaasadda Maalgashiga Baananka Caalamiga ah.

Agaasimuhu waxa uu ka warramay Madaxda ay la kulmeen waxay ka wadahadleen iyo ballan-qaadyada dhexmaray, waxaanu yidhi;

Waxa kale oo uu Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland sheegay inay ka qaybgaleen Shirka Maayerrada Afrika oo Maayerka Caasimadda hargeysa  lagu casuumay iyo kulammo kale oo ay Masuuliyiin kale la qaateen. Wax uu u mahad-celiyey Safiirka Jabuuti u fadhiya Dawladda Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka Warkaasi:-

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.