Ismari-waa ka taagan shirka looga hadlaya xaaladda Libya ee ka furmaya Talyaaniga

Hargeysa (Aftahannews)- Mid kamid ah labada hoggaamiye ee isku haya hoggaanka dalka Libiya ayaa sheegay inaanu ka qayb geli doonin kulan ka dhacaya dalka Talyaaniga oo looga hadlayo ayaaha iyo mustaqbalka dalka Libiya.

Janaraal Khalifa Haftar oo hoggaamiya xoggagaga ku sugan bariga Libiya ayaa sheegay inuu joogo goobta uu shirka ka dhacayo ee magaalada Palermo.

Balse xafiiskiisa wuxuu sheegay inuu kulan la qaadan doono oo kaliya ah hoggaamiyeyaasha gobolka balse uusan wax wadahadallo ah la yeelan doono dowladda Libiya ay taageerto Qaramada Midoobay iyo dalalka kale ay suuragalka tahay inay ka qayb galaan shir qaran oo looga hadlayo doorashada sannadka dambe.

Xalay waxaa la arkayay Janaraal Haftar oo saalamaya mas’uuliyiintii Talyaaniga ee kulanka martigelineysay balse wuxuu ku gacan seeydhay marti qaad casho sharaf ah oo loo sameeyay.

Libiya waxaa ka taagan qalalaase iyo rabshado dalkaasi u horseeday kala qaybsanaan tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii Libya Colonel Mucammar Qadaafi.

Source: BBC SOMALI