Dowladda Itoobiya oo Xabsiga dhigtay Saraakiil Ciidaan iyo Sababta

Addis Ababa (Aftahannews)- Wararka ka imanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay tiro kamid ah saraakiisha ammaanka dalkaasi kaddib markii lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku xadgudbeen xuquuqda aadanaha.

Ciidaammada la xidhay waxay ka badan yihiin 60 sarkaal.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye ayaa shir ja’raaid ka sheegay inay tacaddiyada ay gaysteen saraakiisha la xidhay ay kamid yihiin kufsi iyo inay jidhdileen dad dambiyo lagu soo eedeeyay oo gacantooda ku jiray.

Waxaa la sheegay in saraakiisha ay dadka ku ciqaabayeen xabsi ku yaalla god hoostiisa oo sharci darro ah.

Xidhitaanka saraakiishan ayaa imaanaya xilli baadhitaanno ay ku socdaan saraakiil ka howlagaleysay shirkadda Metec, qaar kamid ah shaqaalaha shirkadda ay maamulaan militariga ee Metec ayaa kamid ah dadka la xidhay.

Bishii August ayay ahayd markii ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu ku baaqay in meesha laga saaro qanddaraas la siiyay mid kamid shirkadaha dalkaasi oo dib uu dib dhac ku yimid fullinta mashruuca dhisitaanka biyo xidheen halkaasi ku yaalla.

 

Source: BBC SOMALI