Dab qabsaday qayb ka mid ah Keydka Radio Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Waxaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in la damiyo dab qabsaday qeyb ka mid keydka Idaacada Radio Muqdisho.

Agaasimaha guud ee Wasaarradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in gar ahaan dabka uu qabsaday sida uu hadalka u dhigay qeybta keydka afafka qalaad, isaga oo intaa ku daray in qeybaha kale ee keydka wax saameyn ah ku yeelan dabkan.

Khasaaraha ka dashay dabka ma badna sida uu sheegay agaasimaha, waxaana socda baadhitaan la xidhiidha saameynta u geystay iyo waxa  sababay dabkan intaba.