Madaxweynaha Somaliland oo Laba Masuul Isku Xil Qudha u Wada Magacaabay!

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxwaynaha Somailand Muuse Biixi Cabdi, ayaa Hal Kursi Xil qudha u wada magacaabay laba Masuul, ka dib markii uu maanta soo saaray Wareegto uu ku magacaabay Masuuliyiin cusub, halka qaarna uu ku sameeyay isku beddel iyo xil-ka-qaadis.

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wareegtaas Madaxwayne Biixi ee maanta, waxaa ka muuqday khalad, iyadoo dhanka kalena ay Wareegtadan ku xusnayd Magacaabista Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo uu u magacaabay Faadumo Cabdillaahi Cumar, halka uu sii joogay Guddoomiye Ku-xigeen uu isla Madaxweyne Muuse hore u magacaabay.

Hase-yeeshee, Wareegtada Madaxwaynaha Somailand, ayaanay haba-yaraatee ku qornay ama ku xusnayn xil-ka-qaadis iyo beddel uu ku sameeeyay Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo uu Madaxwayne Biixi hore ugu dhiibay xilka Khadar Sheekh Cali Jawhar, waxaanu Masuulkan xilkii uu ku magacawnaa oo aan laga qaadin lagana beddelin ku dul-magacaabay ama Xafiiska ku dul-geeyey Masuul kale oo ay isku Xil ku wada magacaaban yihiin.

Arrintan uu Madaxwayne Biixi Guddoomiye Ku-xigeenka ugu magacaabay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland, iyadoo uu jooga Guddoomiye Ku-xigeenkii uu hore ugu magacaabay, ayaa noqotay mid hadalhaynteedu ku badan tahay Bulshada Somaliland tan iyo maanta, isla markaana goobaha ay ku kulmaan Dadweynuhu iyo Baraha Bulshada-ba lagaga sheekaysanayey sida ay ku dhacday.

Dhanka kale, tallaabadan, ayaa bannaanka keentay hubsiimo la’aan Masuuliyadeed, isla markaana ah dhaawac dul-hoganaya dhammaan qaybaha leh Masuuliyadda Hubinta Digreetada ama Wareegtada Madaxwaynaha iyo faafinta ugu danbaysa ee Wareegtooyinka Madaxwaynaha ee Xafiisyada Wararka iyo Faafinta Madaxtooyada Somaliland ka soo baxaya.

Inkasta oo ay tahay markii koowaad ee Madaxweyne Muuse Biixi Masuul haya Xil uu isla isagu u magacaabay isagoon ka qaadin Qof labaad oo ay isku darajo uun yihiin ku dul-magacaabo. Hase-yeeshee, Xukuumaddii Kulmiye ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo marar kala duwan dhacday in Xafiis Masuulkii Madaxweynuhu hore ugu magacaabay oo jooga oo aan xilka-qaadis iyo beddel toona lagu samayn lagu dul-magacaabo Masuul cusub.

Balse, taas ayaa mararka qaar sababtay inay murmaan Masuuliyiinta laysku dul-magacaabay, halka ay Masuuliyiin hawshaasi khusaysay ku doodeen xilliyo kala duwan oo Warbaahintu wax ka weydiisay inay dhawrayaan Sharafta Qofka xilka hore u hayey inay muujiyaan in xilka laga qaaday, taas oo Qalad cad ku ah nidaamka Dawladnimada ee magacaabista, isku-beddelka iyo xil-ka-qaadista oo ah ka mid ah Sunnaha Dowladnimada iyo dardar-gelinta Shaqada Qaranka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.