Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Aftahannews)- Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadii galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho saacado ka hor ayaa waxa tirada dadka ku dhintay ay gaadhaysaa ugu yaraan labaatan qof, sidaana waxa BBC-da u xaqiijiyey dad goob joog ahaa.

Dhanka kale, Ambalaaska Aamin ayaa iyaguna waxay sheegeen in ay 45 qof oo dhaawac ah geeyeen Cisbitaallada magaalada.

.

Laba ka mid ah qaraxyada ayaa ahaa babauur ay wadeen rag ismiidaamiyey, waxaana ay ku kala qarxeen dibedda hotelka Hayat iyo meel u dhow xarunta dambi baarista CID-da ee agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qarax saddexaad ayaa waxa uu ka dhacay banaanka Hotel Saxafi.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ugu yaraan afar ka mid ah Shabaabka, oo kadib qaraxii ka dhacay banaanka galay hotel Saxafi, dhammaantood la wada toogtay.