Xabaal wadareed laga helay xadka Oromada iyo Soomaalida

Jig Jiga (Aftahannews)- Booliiska dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay heleen xabaal wadareed ay ku jiraan labo boqol oo mayd, taas oo ku taalla xadka u dhaxeeya Oromada iyo deegaanka Soomaalida.

Boqollaal kun oo ruux ayaa ka barakacay rabshado hore uga dhacay halkaas.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in xabaasha la helay intii la waday tacaddiyo lagu eedeeyay in uu gaystay madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi ayaa hadda ka war sugaya maxkamad qaadaysa dacwaddiisa isaga oo ku eedaysan in uu huriyay iskudhac qawmiyadeed.

Booliiska gacanta kulul ee Liyuu Booliiska loo yaqaanno ayaa lagu eedeeyay in ay gaysteen dilalkaas ka dhacay inta u dhaxaysa Oromada iyo Soomaalida dalka Itoobiya, waxayna lagu soo warramayaa in ay si toos ah uga amar qaadan jireen madaxweynaha.

Booliiska ayaa isku dayaya in ay aqoonsadaan 200 ee mayd.

Cabdi Maxamuud ayaa bishii August lagu qasbay in uu is casilo, toddobaad ka dibna xabsi ayaa la dhigay, ka dib markii ay rabshado ka dhaceen caasimadda gobolka ee Jigjiga.

Waxaa lagu eedeeyay in uu ku luglahaa xadgudubyo baahsan oo aadanaha ka dhan ah kuwaas oo ay ka mid yihiin jidh dil, kufsi iyo dil dhacay muddadii 13 sano ahayd ee uu xilka hayay.

Bishii hore ayay warbaahinta dawladda Itoobiya lala xidhiidhiyo ee Fana ku warrantay in uu isku dayay in uu ka baxsado xabsigii uu ku jiray isaga oo ka booday daaqadda xabsiga uu ku xidhnan yahay ka hor wakhti uu ka soo muuqan lahaa maxkamad.

Source: BBC SOMALI