Hoos u dhac ku yimid tirada carruurta ee dunida ku dhalata

Hargeysa (Aftahannews)- Carruurta ku dhalanaysa dunida ayaa hoos u dhacday, sida ay shaaciyeen cilmibaadheyaal.

Warbixintooda ayayna ku ogaadeen ku dhawaad kala badh dalalka dunida ay haysato “dhalmo yari” – arrintaas ayaana ka dhigan in aysan haysanin carruur buuxisa tirada ay hadda bulshadoodu tahay marka ay jiilasha waawayn meesha ka baxaan.

Cilmibaadheyaashu waxay sheegeen in ay “wax aad loola yaabo noqotay” xogta ay heleen.

Waxayna intaas ku dareen in saamayn baaxad leh ay ku keensan doonto bulshooyinka ay cirooleyaashoodu ka badan yihiin carruurta u dhalanaysa.

Hoos u dhacan intuu la eg yahay?

Cilmi baadhistan oo ay daabacday jariidadda Lancet ayaa diiradda saaraysay isbadallada dhalmada ee dalalka intii u dhaxaysay 1950kii ilaa 2017.

Sannadkii 1950 celcelis ahaan dumarku waxay dhalayeen ku dhawaad shan ilmood, balse sannadkii hore dumarku waxay celcelis ahaan dhalayeen wax yar saddex carruur ah.

Iyada oo ay taas jirto ayayse dalalku ku kala duwan yihiin dhanka dhalmada.

Tusaale ahaan dalka Niger ee galbeedka Africa dumarku celcelis ahaan waxay dhalaan in kabadan 7 ilmood, balse balse marka la eego dumarka ku nool jasiiradda Qubrus ee kulaasha badda Mediterranean waxay dhalaan hal ilmo celcelis ahaan.

Heerka dhalmadu waa in ay intee noqotaa?

Ilmo yar

Markasta oo dal uu ka hoos maro heerka dhalma ee qiyaastii 2.1 markaas bulshadu waxay billawdaa in tiradeedu ay hoos u dhacdo.

Sannadkii oo 1950 oo cilmi baadhistan laga soo billaabay ma jirikaran heerka maanta la marayo joogay.

Borofaysar Christopher Murray oo ka tirsan jaamacadda University of Washington ayaa BBC-da u sheegay in kala badh dalalka adduunku ay bulshooyinkoodu yaraan doonaan haddii ay sidan sii ahaato tirada carruurta ee u dhalanaysa.

“Dad badan oon anigu ku jiro ayay arrintan ka yaabisay, dadkana waxaa ka yaabinaysa in kala badh dalalka adduunka ay arrintan haysato.”

Dalalkay arrintani saamaysay?

Dalalka uu dhaqaalahoodu wanaagsan yahay oo ay ku jiraan kuwa Yurub, Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Australia dhalmadu aad ayay ugu yartahay.

Taasina kama dhigna tirada dadka dalalkaas hoos bay u dhacaysaa, sababtoo ah waxaa isku dhex jira tirada bulshada, dadka ka dhinta iyo muhaajiriinta gala dalalkaas.

Jiilal ayayna qaadan in heerka dhalmadu ay hakad gasho.

Kala badh dalalka adduunku waxaa ku dhasha carruur ku filan si bulshadu u badato, balse iyadoo dhaqaalaha dalalku uu korayo kuwo badan ayaa yarayn doona carruurta u dhalanaysa.

Maxay u yaraanayaan carruurta dhalanaya?

Dhalmo la’aanta ma keenaysi biyo ama mani yari ama waxyaabaha kale ee dadka ku soo dhaca marka arrimahaas laga hadlayo.

Taas badalkeedase saddex arrimood oo muhiim ah ayaa loo kala qaaday:

Marka dhinacyo badan laga eego dhasha oo yaraata waa guul.

Saamaynta ka dhalankartase waxaa ka mid ah: haddii aan soo galooti la helin dalalkaasi waxay wajihi doonaan in dadka da’da ah ay ku bataan, tirada bulshaduna ay hoos u dhacdo.

Bal ka warran dalka Shiinaha?

Shiinays

Bulshada Shiinaha ayaa aad u korodhay tan iyo 1950, meeshii ay ka ahaayeen ku dhawaad nus bilyanna hadda waa 1.4 bilyan oo ruux.

Balse sidoo kale taran la’aanta ayaa saamaysay, heerka tarankooduna wuxuu ahaa 1.5 sannadkii 2017kii, waxayna wakhti dhaw meesha ka saareen siyaasaddoodii caanka ahayd ee halka ilmo oo kali ah la dhali karay.

Sababtu waa dalalka horumaray waxay u baahan yihiin in heerka tarankoodu uu noqdo 2.1 sababtoo carruurta dhalata oo dhan qaangaadh ma wada noqdaan waxayna u badan tahay in labka dhalanaya ay ka badan doonaan dhaddiga.

Warbixintan waxay muujinaysaa in 100 gabdhood ee ku dhasha Shiinaha ay wakhtigaas oo kale dhashaan 117 wiil, taas oo tilmaamaysa in ay jiraan dumar iska soo xaaqa gabdhaha oo wiilasha ka doorbida.

Taasina waxay ka dhigan tahay in Shiinuhu uu carruur badan u baahan yahay si tirada bulshadu ay u noqoto mid miisaaman.

Source: BBC SOMALI