Madaxda Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya oo ku shiraya dalka Itoobiya

Addis Ababa (Aftahannews)- Saddexda masuul ee kala hoggaamiya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa kulan ku leh magaalada Gonder ee gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, si ay u sii anba qaadaan wadahadalladii is dhexgalka dhaqaalaha gobolka.

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in arrintan ay qayb ka tahay isbadallada dabaysha nabadeed ka dhaliyay geeska Afrika.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa garoonka diyaaradaha ee Atse Tewodros Airport ee magaalada Gonder ku soo dhaweeyay maanta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki.

Saddexda masuul ayaa booqan doona mashaariic badan oo horumarineed oo ku kala yaalla Godar iyo Bahir Dar oo ah caasimadda Amxaarada.

Madaxweyne Isaias ayaa booqashadii saddexaad ku tagay dalka Itoobiya tan iyo markii labada dal ay ku heshiiyeen in ay so af jaraan colaaddii bishii hore, taas oo soo afjartay isfaham la’aantii labaatanka sano soo jiitamaysay.

c3f32351-9315-46b6-acce-c2fb6e4bacef