Qaraxyo Saddex ah oo Gilgilay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaraha Ka Dhashay

QARAXYO GILGILAY MUQDISHO.jpg
QARAXYO GILGILAY MUQDISHO.jpg

Muqdisho(Aftahannews)- Dad ayaa ku dhintay, kuwo kalena way ku dhaawacmeen Seddex Qarax oo ah Gawaadhi waxyaabaha qarxa lagu raray lagu fuliyey, ayaa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

QARAXYO GILGILAY MUQDISHO.jpg
QARAXYO GILGILAY MUQDISHO.jpg

Meelo fogfog ayaa laga arkayaa uurada qaraxyada

Qaraxyada midkood ayaa la sheegayaa in gaadhigii siday uu ku dhuftay Hotel Saxafi oo hore loo weeraray. Qarax kale ayaa isna ka dhacay inta u dhaxaysa Hotel Saxafi iyo xarunta CID oo hoteelka ka soo hor jeedda.

Hotel Saxafi dhabarkiisa waddo yar oo marta ayaa la sheegayaa in uu qaraxa seddexaad oo isna gaadhi saarnaa uu ka dhacay. Waa markii ugu horraysay ee seddex gaadhi oo qaraxyo sida mar qudha lagu weeraro goob ku taalla Muqdisho.

Weli ma jirto cid sheegatay, lamana oga khasaaraha inta uu gaadhsiisan yahay, waxaase dad goobjoogayaal ah ay sheegayaan in la arkayo gaadiidka giurnadka degdegga oo dhaawacyo daad guraynaya, Waxaana la sheegay in rasaas laga maqlayo halka ay qaraxyadu ka dheceen.

Source: BBCSomali.com.